Weerar loo adeegsaday Bam sababay khasare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa xalay lagu qaaday Guri guddoomiyihii hore ee degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir Banaadir Maxamed Abuukar Jacfar.
Debley ayaa la sheegey in ay dhowr Bambaano ku tuuray nawaaxiga guriga uu deganaa Jacfar, waxaana ku dhintay labo qof oo kala...
Wabiga Shabeelle oo ah Ilo biyood ay ku tiirsan yihiin Maalyiin ruux oo ku dhaqan gobollada Hiiraan iyo labada Shabeelle ayaa hadda waxaa soo food saartay biyo la’aan xoog leh kaddib markii uu gabi ahaanba guray Wabiga oo meelaha qaarna isku badal garoon ay kubadda ku dhax cayaaraan caruurta.
Saameyntii...
Wararka ka imanaya degmada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in uu halkaa ka soconaya gurmad xoogan oo lagu badbaadinayo hantida saaran Doon dhawaan ku caariday xeebta, kaddib markii sida la sheegay leyska hortaagay in ay ku xirato dekedda.
Gurmadkan ayaa sababay in deked macmal ah laga sameeyo halka ay...
Dowladda Suuriya ayaa ku dhawaaqday in ay hakisay duqeymihii ay ka waday goobaha ay ku sugan yihiin kooxaha Mucaaradka ah ee dowladda kasoo horjeedda.
Dowladda ayaa Shan maalmooda duqaymo ka waday bariga magaalada Ghouta oo u dhaw caasimada Suuriya ee Dimishiq.
Ghouta oo ay mucaaradka haystaan ayaa la go’doomiyay, waxaana gabaabsi...
Xukuumadda Washington ayaa ku dhawaaqday in ay cunaqabateeyn saartay Shiraddo lagu eedeeyay in ay taageeraan Kooxda dowladda Islaamka ee Daaciish.
Dowladda Mareykanka ayaa Jimcihii sheegtay inay cuna-qabateyn ku soo rogtay seddex qof iyo seddex shirkadood oo lagu eedeynayo inay taageeraan kooxda isku magacowdey Dowladda Islaamiga ah ee ISIS.
Shirkadahan iyo dadkaan...
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ku casuumay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada inay shir ka dhici doona magaalada Garowe 20-ka bisha Maarso ee soo socoto.
Qoraal ka soo baxay Madaxweynaha Puntland ayaa loo kala diray Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.
Kulanka ayaa looga wada...
Kiiska Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo noqonaya mid ka mid ah caqabadihii ugu waaweynaa ee soo wajaha dowladda Soomaaliya muddadii sanadka aheyd, ayuu markii ugu horeysay soo hadal qaaday madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Madaxweynaha oo su’aal arintaa la xiriirta la weydiiyay ayaa si taxadir leh ugu gaabsaday in kiiska...
Aqalka wakiillada Mareykanka ayaa iyaguna raacay waddadii senetka si loogu codeeyo, dib-na loogu furo shaqadii dowladda federaalka, taas oo saqdii dhexe ee Khamiistii ku ekeyd miisaaniyadda dowladda.
Senetka Mareykanka ayaa markii hore u codeeyay dib u furidda shaqada dowladda federaalka ee miisaaniyadda. Sharci dejiyayaasha ayaa ku codeeyay 71 oo haa...
Xarrakada Al-shabaab ayaa fagaare ku yaalla degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe waxaa ay ku soo bandhigeen tiro Odayaal ah oo ay u tababareen dagaalka iyo habka wax loo toogto.
Odayaashan ayaa lagu soo bandhigay fagaaraha Macalin Aadan ee Magaalada Jilib, waxaana ay ku tartamayaan Toogashada ama Shiishka iyaga oo...
Madaxweynaha dowlad Soomaaliyeed ee Hirsahebeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ee Hirshabelle ku matala dowladda dhexe.
Madaxweynaha iyo xildhibaannada ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo quseeya Qaranimada Soomaaliya iyo howlaha horyaalla maamulka...


















