Thursday, August 27, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Warbaahinta dowladda Kenya ayaa baahisay in Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen degaanka Katuula oo ka mid ah degaanada dalka Kenya ee ku yaalla gobolka Waqooyi Bari. Sarkaal ka tirsan ciidamada Kenya oo lagu magacaabo Stephen Ngetich ayaa  warbaahimnta u sheegay inay iska caabiyeen weerar ay sideedii fiidnimo waqtiga dalka Kenya...
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay ciidamada uu Imaaraadku tababaray ee ku sugan xero ku taala magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in ciidamadaasi yihiin kuwo mishaaraadkoodu bixiyaan Imaaraadka. Madaxweynaha ayaa inta a ku daray in ciidamadaasi ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, dhawaanna loo isticmaali doono howlgalada ka dhanka...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in si dhaqse ah loo bilaabayo wada hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland oo in muddo ahba hakad ku jiray. Madaxweynaha ayaa sheegay in wada hadalladu yihiin kuwo muhiimad gaar ah u leh shacabka labada dhinac oo sida uu hadal loo baahan yahay in...
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ay wehliyaan qaar ka mid ah Wasiirada Xukuumadda ayaa maanta la shiray Madaxda xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Michael Keating iyo xubno kale oo UN-ka ah. Shirka ayaa ku saabsanaa sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta Qaramada Midoobay...
Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegay in goor dhaw oo maanta ah halkaa ka dhaceen Qaraxyo is xig xigay oo sababay khasaare dhimasho. Hal Askari ayaa ku dhintay Qaraxyada sida ay sheegeen warar lagu kalsoon yahay oo dhinaca amniga ah. Weerarrada maanta ayaa xigay weerar kale oo...
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay tarxiishay siyaasi caan ah oo maalmahan xabsiga ku jiray kaas oo lagu magacaabo Miguna Miguna. Miguna oo u dhashay dalka Kenya ayaa balse loo tarxiilay dalka Canada maadaamaa uu heysto jinsiyadda dalka Canada, halkaas oo diyaarad loo saaray shalay. Dowladda Kenya ayaa...
                                    Hay’addaha Global Media Campaign iyo Ifrah Foundation, ayaa magaalada Dublin ee dalka Iraland, ku qabtay xuska maalinta caalimiga ah ee “La-dagaallanka gudniinka gabdhaha” oo ku began 6-da Febrayo. Ololaha warbaahinta bulshada ee ka dhanka ah gudniinka gabdhaha ayaa ka bilaabayaa magaalada Dublin #MeToo. Munaasabada waxaa lagu casuumay ururada u dooda...
Xarrakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar xalay fiidkii kooxo hubeysan ku qaadeen Saldhigga Booliska ee Bartamaha Boosaaso, kaasoo ku dhow Dekeda Boosaaso. Weerarkan oo ahaa mid muddo socday ayaa la isu adeegsaday rasaas culus iyo Bambooyin, iyadoo markii dambe ciidankii Booliska ee ilaalada ka hayay Saldhigga iska caabiyeen. Weerar ayaa waxaa...
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in laga yaabo in madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma uu xilka ka dego , waxaana la sheegay in ay u egtahay in uu aqbalay codsiyadii loosoo bandhigay, balse uu soo jeediyay shuruudo. Xisbiga ANC ayaa war saxaafadeed ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in...
Ciidmaada Amaanka dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgal gaar ah ka fuliyay inta badan xaafaddaha ay ka kooban tahay degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Howlgalkan oo ay si gaar u fuliyeen Ciidamada Nabad Sugidda iyo Booliska ayaa waxaa lagu soo qab qabtay ku dhowaad 400 qof, kuwaasi oo dhammaantood ahaa rag,...