Madaxda hay'adaha sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in Ruushka uu sii wadi doono iskudayga faragelinta ah ee uu ku hayo siyaasadaha Mareykanka, waxaana ay sheegeen in iskudayaddaasi ay khatar ku yihiin doorashooyinka la qaban doono bisha Nofeembar.
Madaxda hay'adaha kala duwan ee sirdoonka ayaa hadalkan sheegay mar ay warbixin siinayeen guddiga...
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in biyo la’aan ay ka jirto deegaanno ka tirsan maamulka Hirshabeelle.
Waxaa uu sheegay in markii Wabiga uu guray in dadka ku nool tuulooyin ku yaalla dulleedka magaalada Jowhar in ay soo wajahday biyo la’aan...
Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa wali ka sii soconaya wada hadal u dhaxeeya Itoobiya iyo ONLF oo ah Urur hubeysan oo muddo dheer ka soo horjeeda dowladda Itoobiya.
Cabdiqaadir Xassan Hirmooge oo ah afhayeenka Ururka ONLF ayaa sheegay in wada hadalladaasi ilaa iyo hadda si wanaagsan ku socdaan kana...
Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in ay xaley rasaas ku fureen gaari uu watay Agaasimaha Waaxda Xiriirka Gobolada ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga C/llaahi C/kariin Maxamed Xiirey oo marayay meel aan ka fogeyn xarunta madaxtooyada.
Ciidamada ayaa la sheegay in ay rasaasta ku fureen gaari uu watay...
Ciidamada Booliska Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu, lagu soo oogay dacwad iyo eedo ah inuu laaluush qaatay.
War ka soo baxay booliska ayaa lagu sheegay in la hayo caddeymo ku filan oo lagu dacweyn karo Mr Netanyahu taas oo ah in uu laaluush qaatay, uu misana...
Somaliland ayaa maanta laga dareemay Qaad la’aan ka dib markii Itoobiya laga joojisay jaadkii ka iman jirey ee lagu cuni jirey Somaliland.
Dadka cuna jaadka ayaa maanta u ahayd maalin ku adag, waxaanay dhex wareegayeen suuqyadda magaaladda si wax yar uun usoo helaan oo qaadiradda iskaga jabiyaan, waxaana goor dambe...
Wararka ka imaanaya magaalada Dire -Dhaba ayaa sheegaya in maalintii labaad ay albaabada u xidhan yihiin dhammaan goobaha ganacsiga, sidoo kalana waxaa cidlo ah jidadka magaalada isu socodkuna uu yaraaday.
Waxaa sidoo kale suuqa ku dhex jira dhalinyaro isku magacawday Qeeroo oo ah dhalinyarada rabshadaha wada, waxayna dhagax shiidayaan tukaan...
Booliiska dalka Canada ayaa bilaabay baaritaano ku aadan Wiil Soomaaliyeed oo Axadii lagu dilay Magaalada Ottawa ee Dalka Canada.
Booliska waxaa ay sheegeen in ay waddaan baaritaano cidda ka dambeysay dilka Cigaal Daa’uud oo ka mid ah dhalinyaradda Soomaaliyeed ee ku noolaa dalkaasi.
Sarkaal Sare oo ka tirsan Booliska ayaa sheegay in...
Culimadda maamulka Puntland ayaa waxaa ay soo saareen bayaan ku wajahan Puntland iyo Dowladda Federaalka oo ay uga hadlayaan arrimaha la xiriira Xajka iyo kharashka laga qaado Xujeyda intaba.
Bayaanka Culimada ayaa sidan u dhignaa :
Annagoo ah culimada Puntland ee ku kulantay Garoowe waxaan taageersanahay hannaanka wanaagsan ee dawladda federalku wax...
Saraakiisha ugu sareysa Xisbiga Taladda haya ee dalka Koonfur Afrika ayaa si deg deg ah uga dalbaday Madaxweynaha dalkaasi in uu xilka ka dego.
Madaxwaynaha dalka Koonfur Afrika Jacob zuma ayaa la sheegay in loo qabtay muddo 48 saacadood gudahood ah in uu isku casilo, waxaa sidaasi bahisay warbaahinta dowladda...


















