Wednesday, August 26, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa shalay booqday taalada loo dhisay halgamayaashii shuhadada ee Ciidamada Imaaraadka ee loo yaqaano Waaxatu Karaama. Kheyre ayaa waxaa booqashadii waxaa ku wehliyay Sheekh Khalifa Bin Dhahnuun bin Mahamed Alnahyan oo ah Agaasimaha arrimaha Qoysaska Shuhadada ee diiwaanka dhaxal sugaha Imaaraadka Caraabta, Waxaa uu Ra’iisal...
Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa Caasimadda Cabdirixmaan Cumar Cusmaan Yarisoow ayaa sheegay in olalihii nadaafadeed ee ugu ballaarnaa laga sameyn doono magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha ayaa sheegay in Todobaadka Nadaafadda oo bilaabanaya maanta oo Khamiista ah ee ay ka qeyb qaadanayaan dhammaan hay’adaha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyadoona Olahala Todobadkan xoogga lagu...
Danjire Francisco Madeira Wakiilka gaarka ah ee howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa ugu mahad ciliyay Dowladda Mareykanka qalab shalay ay gudoonsiiyeen, qalabkaas oo ciidamada AMISOM ka caawin doono sahanka iyo arimo kale. Madeira ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad uu ku guudoomayay qalab cusub oo ay ugu deeqday dowladda Mareynka oo...
Dowlada Soomaalia ayaa sheegtey in xaalad adag oo biyo yari ah ay ka jirto magaalooyinka qaarkood iyo dhulka baadiyaha ah, ayna ku talo jirto mustaqbalka dhow in dadka qaarkood loo sameeyo biyo dhaamin iyo ceelal qodis si looga hortago dhibaato ka dhalankarto biyo la’aan. Wasiirka Khayraadka iyo biyaha Somalia Saalim...
Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Dhuusa-Mareeb u tagay isku dhafka ciidamada Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca. Socdaalka Xaaf iy Dhuusa-Mareeb ayaa noqonaya kii labaad tan iyo markii Galmudug iyo Ahlu Sunna isku biireen, iyadoo bishii hore isaga iyo madaxweyne Farmaajo ay isla tageen oo ahaa safarkii...
Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in ciidamo cusub oo dheeraad ah dhowaan la geynayo xuduuda ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya, kaddib weerarro laga cabsi qabo in Al-shabaab ay geystaan. Wasiirka Amniga Kenya oo booqday gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa socdaalkiisa waxaa uu la xiriiray u kuurgalida xaaladaha...
  Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayay u egtahay in uu durba bilaabay ololihiisa doorashada sanadka 2020-ka, wuxuuna magacaabay agaasimaha doorashadaas. Waxaa xilkan agaasimaha ololaha doorashada Trump 2020-ka loo magacaabay Brad Parscale oo horey uga tirsanaa shirkadda Trump, hawlo badane ka qabtay ololihii 2016-kii. Waxaa la sheegay in Trump uu yahay madaxweynihii ugu...
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya dagaal culus subaxnimadii hore ee saakay uu halkaa ku dhaxmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab. Dagaalkan oo bilowday Aroortii hore ee saakay ayaa socday saacado dhower ah, wuxuuna dagaalka yimid kaddib markii ciidamada dowladda federaalka ay weerarreen deegaanka oo...
Dowladda Uganda ayaa 2-da bisha March ee soo socota marti gelin doona shir gaar ah oo ay yeelanayaan Madaxda dalalka Ciidamada ka jooga Soomaaliya ee howl galka Midowga Afrika (AMISOM). Kulanka ayaa daba socda shir bishii September ee sanadkii 2017 ka dhinac furmay shirkii Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ee...
                  Wafdi ka koobnaa wasiiradda amniga, arimaha gudaha iyo Warfaafinta Jubbaland ayaa gaaray magaalada Baardheere ee gobolka Gedo halkaa oo ay kusoo dhaweeyeen masuuliyiinta maamulka degmada Baardheere. Wasiirka wasaaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda Jubbaland Mudane C/nuur Cali Aadan oo la hadlay Shabakadda Warsom ayaa sheegay in ujeedooyinka ay u tageen Baardheere...