Wednesday, August 26, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Feysal Cabdullaahi Cumar oo ah 17 sano jir wax ka dhigta dugsiga sare oo ku yaala magaalada Jowhar ayaa ka cabanaya xil ay u magacaawday Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Hirshabeelle. Wiilkan oo xiriir la soo saameeyay Idaacada Kulmiye ee fadhiggeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in loo magacaabey guddoomiye...
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ay wehliyeen Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska ayaa xalay kormeer ku tagay Saldhigyada Booliska degmooyinka H/wadaag, Hodan iyo Dayniile, isagoo u kuur galayay sida ay u socoto howlaha sugida ciidamada. Ciidamo gaar ah oo loo diyaariyay sugida amniga caasimadda oo isugu jira Boolis,...
  Saraakiil ka tirsan ilaaladaxeebaha ee dalka Giriigga ugu yaraan 16 qof oo muhaajiriin ah oo ay ku jiraan Lix caruur ah ayaa dhintay kadib markii dooni ay saarnaayeen ay ku qarqantay badda u dhaxeeysa Turkiga iyo Greek-gga. Waxaa la aaminsanayahay in doonida ay saarnaayeen dad kor u dhaafaya labaatan qof...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib u dhigay safar uu maanta ugu anbabixi lahaa dalka Qatar sida ay inoo sheegeen xubno siweyn ugu dhaw dhaw xafiiska madaxweynaha. Saacadihii ugu danbeeyay xarunta madaxtooyada waxaa ka soconayay qaban-qaabada safarka madaxweynaha, hasse ahaatee markii danbe ayuu goostay in uu dib u...
Xarunta Villa Hargeysa ayaa maanta kulan ku yeeshey xildhibaanno ka tirsan Golaha shacabka iyo guddiga joogtada baarlamaanka oo su’aalo laga weydiinayay sida ay ku buriyeen mooshinkii laga keenay guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa hadalo ka jeediyay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo mid...
Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa ku goodiday in ay samaysan doonto hub nukliyeer ah haddii Iiraan oo ay gobolka isku hayaan ay samaysato hubkaas. Dhaxal sugaha boqortooyada Maxamed Bin Salmaan ayaa warbaahinta Maraykanka laga leeyahay ee CBS News u sheegay in dalkiisu uusan rabin in uu samaysto Nukliyeer. "Balse shaki kuma jiro...
Rwanda ayaa ka mamnuucday Maasjida caasimada Kigali codbaahiyaha xiliga Salaada guud ahaan Maasjida caasimada, iyaga oo arintaan ku micneeyay in ay dhibaato ku tahay dadka deegaanka. Dowladda ayaa sheegtay in Aadaanka Shanta Jeer ee Salaada ay dhibaato ku tahay dadka deegaanka Nyarugenge oo ay ku yaala Masaajida ugu waaweyn ee...
Dowladda Qatar ayaa khamiistii warqad cabasho ah u gudbisay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, taa oo ay uga cabanayeen in dalka isu tagga imaaraadka Carabta uu ku xad gudbay hawadooda. Wakiilka joogtada ah ee Qaramada Midoobay u fadhiya dalka Qatar Caaliya Axmed Bin Sayf Al-taani ayaa sheegay in diyaarad military...
Sida lagu daabacay Wakaalada Wararka Reuters dowladda Imaaraadka Carabta ayaa lagu wadaa in ay tababar siiso ciidamada Somaliland, arintan oo qeyb ka ah sida uu sheegay madaxweyne Muuse Biixi heshiiska lagu dhisayo Saldhigga Milateri ee Imaaraadka Carabta ka sameynayo Berbera. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa isaga oo ku sugan magalada Abu Dhabi...
Warar ka imanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in kooxo aan la garaneynin Bamgacmeed ku weerareen ciidamo ka tirsanaa ilaalada Dekedda. Inta la xaqiijiyay Hal Askari iyo qof shacab ah ayaa geeryooday weerarka Bambaanno, waxaa kaloo dhaawac uu soo gaaray Saddex qof shacab ah. Marka laga soo tago weerarka...