Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa faah faahin ka bixiyay sababihii loo baajiyay kulankii Baarlamaanka ee maanta loo balansanaa.
Guddoomiyaha oo goor dhaw warbaahinta la hadlay sheegay in kulanka maanta loo hakiyay codsi ka yimid Madaxweynaha oo xalay saqdii dhexe illaa waabarigii kulan la qaatay Guddoonka Golaha...
Dadka reer Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan uga hadlaya go’aankii madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka qaatay kulankii maanta la filayay in ay yeesheen xildhibaannada Golaha Shacabka oo ahaa mid xasaasi ah oo dadka siweyn isha ugu wada hayeen.
Aragtiyo kala duwan ayaa laga bixinayaan si deg deg...
Waxaa dib u bilaawday isku socodkii dadka iyo gadiidka qeybo ka mid ah jidadka halbowlaha u ah magaalada Muqdisho, kaddib markii ay saakay bulshadu ku waabariisatay jidadka oo gabi ahaanba xiran.
Ciidamo isugu jira kuwa Militariga, Booliiska iyo Nabad-sugida ayaa xalay la dhigay qeybo ka mid Isgoysyada ugu muhiimsan caasimada...
Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in ciidammada Israel ay dileen shan iyo toban qof oo dibadbax ka dhigayay xadka israel, halka kun qof oo kalena ay ku dhaawacmeen rabshadahaasi.
Madaxweynaha Falastiniyiinta ayaa dowladda Israel ku edeeyay in ay mas'uul ka yihiin dhimashada dadkani.
Milateriga Israel waxaa ay dhankooda shegeen in...
Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa labaduba ka hadlay xiisada siyaasadeed ka dhax-taagan xildhibaannada Golaha Shacabka.
Madaxweyniyihii hore Xassan Sheekh Max’muud ayaa Qoraal ku uu soo saaray ku yiri :
Dhawaanahaan waxaa soo ifbaxayay kala aragti duwanaan ka dhex jirta hay’adaha dowladda Soomaaliya.
Kala aragti duwanaashaha...
War naga soo gaaray madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu baajiyay kulan xasaasi ah oo ay maanta yeelan lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka.
Agaasimaha Madaxtooyada Villa Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa xaqiijiyay in la hakiyay kulankii Baarlamaanka ee maanta loo balansanaa, kaddib soo jeedin ka timid Madaxweynaha.
Wararka...
Ma’aha wax ku cusub dhagaha shacabka Soomaaliyeed in ay maqlaan khilaaf soo kala dhaxgalay xildhibaannada Golaha Shacabka, laakiin arinta ku cusub khilaafka ayaa ah in markan guddoonkii Golaha Shacabka isku dhaganyahay islamarkaana dhinac walba uu hogaaminayo tiro xildhibaanno ah oo aan cadadkooda la ogeyn.
Fadhiga xildhibaannada Golaha Shacabka ee maalinta...
Wasiirada Arrimaha Dibadda dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa ay isku afgarteen in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo labada dhinac ka socda kuwaasi oo booqan doono xadka labada wadan.
Wasiir Cawad ayaa intaa ku daray in ay ku heshiiyeen in la hormariyo iskaashiga labada wadan, lana xoojiyo go’aankii...
Iyadoo maaalinta Berri ah lagu wado in xarunta golaha Shacabka ku shiraan xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa dhinaca kale waxaa siweyn loo sugay Amniga Muqdisho.
Ciidamo ayaa la dhigay Isgoysyada Tarabuunka, Banaadir, KPP, Bakaaraha, Falorensa, Howl-wadaag illaa Siinaay oo aanay jirin wax gaadiid ah oo dhanka wadada Maka Al-Mukarama u soo...
Militariga Israa’iil ayaa lagu waramayaa in la soo dhoobey xudduuda magaaladda Qaza ka hor dibadbaxyo is xig-xiga oo la qorshaynayo in halkaasi ay maanta ka dhacaan.
Dibadbaxyadani ayaa waxaa ku baaqay kooxda ee Xamas iyo kooxaha kale ee Falastiiniyiinta oo siweyn uga soo horjeeda faragalinta Qaza ee Israa’iil
Qaban-qaabiyayaasha dibadbaxyadani ayaa...


















