Wararka ka imanaya deegaan lagu magacaabo Kaamjiroon oo 25km dhinaca Galbeed uga beegan magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in duqeyn shalay halkaa ka dhacday ay ku dhinteen saddex ruux oo rayid ah halka Afar ruux kalana ay ku dhaawacmeen dadkan oo dhamaantood ka soo jeeda hal Qoys.
Dadka dhaawacmay ayaa la...
Wararka xiligan naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in weerar culus oo ku bilaawday Qarax Al-shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada AMISOM ay ku lahaayeen deegaanka Buula-Mareer.
Goob joogayaal ayaa sheegay in ay maqleen qaraxyo xoogan loo maleynayo in ahaayeen ismiidaamin laga maqlay agagaarka saldhiga ciidamada AMISOM.
Al-Shabaab sheegtay...
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta magacaabay 24 masuul oo iskugu jiray kuwo cusub iyo kuwii hore usii joogay oo uu dib u magacaabay.
Mas'uuliyiintan la magacaabay ayaa u badan agaasimeyaal guud, waxaana markii hore xilka hayey masuuliyiintii hore ee la shaqaynayey madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo.
Sidoo kale,waxa xilkii...
Wararka naga soo gaaraya degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan AMISOM, gaar ahaan ciidanka Burundi ay isaga baxeen deegaanka Cali Fool-dheere oo saldhig ku lahaayeen.
Ciidamada AMISOM ayaa gebi ahaanba soo faarujiyay deegaanka Cali Fooldheere oo qiyaastii illaa 20KM u jirta Mahadaay.
Goob-joogayaal ku sugan...
Ciidamada amniga ee dowlada Federalka Soomaaliya ayaa xalay Howlgalo Baaritaanno ah oo lagu xaqiininayo amaanka ka sameeyeen labo degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.
Howl galada ayay ciidamadu ka sameeyeen dagmooyinka Shibis iyo Xamar-Weyne ee gobolkaan Banaadir waxayna ka dambeysay kadib markii sida la sheegay ciidamo nabad sugid ah Bam...
Rag bastoolado ku hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Xamar-Weyne ee gobolka Banaadir Banaadir guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa degmada.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in Maxamud Macalin Xasan Fagaas oo ahaa gudoomiyihii waaxda Kacaan ee degmada Xamar Weyne uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaas ay fureen rag hubeysan.
Kooxihii dilka geystay...
Xildhibaannada ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay ciidamadii horey u joogay dhismaha Baarlamaanka ee Muqdisho ayaa dib loogu celiyay mas’uuliyadda amniga baarlamaanka maanta.
Tiradda ciidamada Booliska ah ee dib loogu soo celiyay xarunta ayaa dhan 114 askari oo boolis ah oo si gaar ah u ilaaliya xarunta Golaha iyo xildhibaannada
Waxaa...
Saraakiisha gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa sheegay in ay dib u bilaabi doonaan derbiga dowladda Kenya ay ka dhisayso xadka ay la wadaagto Soomaaliya.
Fredrick Shisia guddoomiyaha degmada Mandera ayaa sheegay in dhismaha uu dib u bilaabi doono Abriil, waxaana uu sheegay mashruucaan ay fulin doonaan ciidamo iyo shaqaalle...
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa beeniyay in uu doonaayo in uu iscasilo, xilli saacaddihii lasoo dhaafay ay soo baxaayeen wararkaasi.
Qoraal ka soo baxay xafiiska gudoomiye Jawaari oo uu ku saxiixnaa Xog-hayaha Guud ee Golaha Shacabka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkaas been abuurka ah oo...
Israsaaseyn khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac sababatay ayaa duhurnimadii maaanta ku dhaxmartay ciidamo ka wada tirsan Milatariga Soomaaliya halka loo yaqaan Xerada 77 ee ku taala degmada Dayniile.
Goob joogayaal ayaa sheegay in iska hor imaadkan uu yimid khilaaf ku saabsan dhul hore ay u lahayeen ciidamada xoogga dalka...


















