Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay goor dhow Wasiirro, Wasiiru dowlayaal iyo Wasiir ku xigeenno cusub.
Xilalka Wasiirada
1- Xasan Macalin Xuseen Wasiirka Ow-qaafta Arrimaha Diinta
2- Xasan Cali Maxamed Wasiirka Gaashanadhigga
3- Daahir Maxamuud Geelle Wasiirka Warfaafinta
4- C/casiis Xasan Maxamed Wasiirka Tamarta iyo Biyaha
5- Xamza Saciid Xamza Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka
6-...
Dagaal culus oo leysku adeegsanayo hubka waaweyn ee madaafiicda iyo kuwa lidka diyaaradaha ayaa mar kale goor dhaw ka qarxay deegaanka Tuka Raq ee gobolka Sool.
Sida Warsom ay u xaqiijiyeen dad ku dhowdhow degaanada lagu herdamayo ayaa sheegaya in dagaalkan uu mar kale ka dhax Qarxay ciidamada Somaliland iyo...
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho iska horimaad ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan dowladda iyo afar ruux oo sida la sheegay bastoolado ku hubeysnaa.
Dagaal kooban oo dhaxmaray labada dhinac ciidamada dowladda ayaa ku guuleystay in ay toogtaan labo ka mid ah dableydii dagaalka...
Guddiga difaaca dowlad gobolleedka Puntland ayaa maanta soo saaray amar culus oo intooda badan quseeya dadka taageerada u fidiyay ama wararka maamulka u gudbiya sida hadalka u dhigeen Somaliland.
Guddoomiyaha guddigaan ahna,Wasiirka Amniga dowladda Puntland,Axmed Cabdullaahi Yuusuf(Dowlad) oo ay garab taagan yihiin xubnaha kale ee guddiga ayaa saxaafadda u akhriyay...
Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Arabaco ah qorshuhu yahay in ay ku kulan xarunta Golaha Shacabka iyaga oo ka dooddi doona hindise Sharciyeedyo.
Kulanka waxaa shir guddoomin doona guddoomiye ku-xiggeenka koowaad ee Golaha C/wali Sheekh Ibraahim Muudey, waxaana la filayaa in xildhibaannada loo qeybiyo Hindise sharciyeedka hawlgabka iyo xaqsiinta...
Wafdi ka socdo GMDQ ayaa hawlo isugu jira aqoon is weydaarsi iyo kor-joogteyn doorasho ku tegay waddanka carbeed ee Tuniisiya. Dadweynaha waddanka Tuniisiya ayaa taariikhdu markay ahayd 7-05-2018 u dareeray goobaha cod-bixinta si ay uga qayb-qaataan doorashooyinka dowladaha hoose.
Taariikhdu markay ahayd 6-05-2018 magaalada Tunis waxaa ka qabsoomey kulan aqoon...
Soomaaliya guud ahaan marka la eego xiligan hadal heynta ugu weyn waa duufaanno wata dabeylo xooggan, roobab iyo waliba fatahaadda Wabiga oo ku dhuftay qeybo badan oo mid dalka Soomaaliya.
Guud ahaan marka la eego dadka ku dhintay roobabka, daadadka ka dhashay fatahaada Wabiga iyo dabeylaha waxaa ay kor u sii...
Gudoomiyaha guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha ahna Ra’iisul wasaare kuxigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa sheegay in kulan ay isugu yimaadeen guddiga iyo guddi ay baarlamaanku usoo magacaabeen la socodka howlaha guddigu qabanayo.
Kulanka oo ka dhacay Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa shir gudoominayay Ra’iisul wasaare kuxigeenka...
Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ayaa sheegaya in goor dhaw weerar Ismiidamin ah oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay lagu beegsaday ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Weerarka ismiidaamin ayaa lala eegtay gaari Cabdi Bile ah oo ay wateeen ciidan ka tirsan dowladda federaalka gaar ahaan kuwa...
Cismaan Shidane oo 20 sano jir ahaa ayaa ku geeryooday Isbitaal ku yaala magaalada London saddex cisho kaddib markii dad aan la garaneynin dhowr jeer Toorey ku dhufteen isaga oo ku sugnaa waqtigaa dhisme laga tukaameysto oo lagu magacaabo RUISLIP.
Dillkan ayaa qeyb ka noqonaya dilal 72saac ee la soo...


















