Tuesday, August 25, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Magaalada Baydhabo waxaa maanta ka furmaya shirka Amniga, iyadoo maalintii shalay ay halkaa gaareen mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka iyo madaxda dowlad gobolleedyada. Madaxda Qaranka, madaxda maamul goboleedyada, iyo wafuuda kale ee wehliya ayaa xalay kulamo gaar gaar ah ku yeeshay magaalada Baydhabo, waxaana kulanka hore uu ahaa afur soo dhoweyn...
Ugu yaraan 35 qof oo tahriibayaal ah ayaa ku dhintay doon ay saarnaayeen oo ku dagtay xeebaha bariga Tunisia,Warkani waxaa xaqiijisay dowladda Tunisia, lixdan iyo todobo qof oo kale ayaa waxaa badbaadiyay ilaalada xeebaha. Dalka Tunisia ayaa hadda noqday marin muhiim u ah tahriibayaasha doonaya inay Yurub galaan sanadkii u...
Maalmihii ka hor ayeey markii dagaal culus deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan uu ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab oo weerar toos ah iyo qaraxyo ku qaaday saldhigyada ciidamada dowladda ay ku lahaayeen deegaanka. Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed General Maxamuud Macalin Koronto...
Magaalada Baydhabo xarunta KMG u ah maamul Koonfur Galbeed ayaa saacadihii ugu danbeeyay waxaa kulamo gooni gooni ah ku yeeshay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka. Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Ra’iisul wasaaraha dalka Xassan Cali Khayre ayaa kulan gaar ah la yeeshay madaxda maamul dowlad...
                  Qaar Kamid ah Axzaabta Siyaadda Soomaaliya ayaa Dhaliil usoo Jeediyey Shirka Maanta ka Furmey Baydhabo iyagoo Sheegey in Ka qayb Galka Shirku aanu Dhamaantiis aheyn kuna Koobneyn Magaca La Huwiyey ee ay Jiraan Dano Qaranku Leeyahey oo looga Wada Hadlayo Ayna Axzaabta Siyaasadu Xaq u Leeyihiin Ka Qeyb Galka...
Madaxa Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadda ee GMDQ Maxamuud Maxamed Xasan Sandheere Ayaa Qoraal kasoo baxey waxaa lagu Hakiyey Kulan ay Yeelan lahaayeen Gudiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Madaxda 14 Xisbi Siyaasadeed oo Haysta Diiwaan gelin KMG. Qoraalkan oo Madaxda Xisbiyada Loo Wada direy ayaa waxaa Lagu Sababeeyey In...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay. Wafdiga madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan. Madaxweynaha iyo wafdigiisa...
Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horreeysay shaacisay qorshaha ay ku dhiseyso ciidamadeedda Badda, kaddib markii dalkaa uu dhammeystirey dhismaha ciidammada dhulka iyo cirka. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed wuxuu ku faannay dalkiisa inuu ka mid yahay dalalka Afrika ee ay xoogganyihiin ciidammada cirka iyo dhulka, isagoo la hadlaya madaxa ciidammada...
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa Goordhow gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed. Garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan, iyo cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Waxaa lagu waddaa in...
Dowladda Israa’iil ayaa waxaa ay sheegtay in ay ka jawaabtay, ka dib markii Gantaallo ay soo rideen ciidamada Falastiin. Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa duqeeyey laba goobood oo ku yaallo marinka Gaza kaddib marki goobahaasi laga soo riday gantaallo ku dhacay Koonfurta Israa’iil. Ciidamda Israa’iil waxaa ay sheegeen in laba gantaal lagaga...