Tuesday, August 25, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Rag bastoolado ku hubeysan ayaa goor dhaw ku dilay degmada Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho nabaddoon magaciisa lagu sheegay Xusseen Geedi Jimcaale oo dhinaca kalana lagu sheegay in uu ganacsade ahaa. Dhalinyaro bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay in ay nabaddoon ku toogteen gurigiisa oo ku yaala degmada Howlad-wadaag ee gobolka...
Tan iyo intii uu xilka la wareegay Ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa guud ahaan Itoobiya laga dareemaya furfurnaan dhinaca xoriyatul qawl ah iyo siyaasadda oo muddo dheer aanay ka jirin,isla markaana ay adkayd in Itoobiya dhexdeedda laga dhex dhaliilo nidaamka jira ama dadku ay sameeyaan mudaharaadyo salmi ah...
Arday Soomaali Mareykan ah oo ku Guuleystay Heer Caalami Kaalinta Koowaad ee Tartanka Quraanka ee Dalka Imaaraadka Carabta kaas oo loogu yeero tartankii 22aad ee Dubai Axmed Burhan waa arday asal ahaan Soomaali ah oo matalaayey dalka Mareykanka  ,waana markii ugu horreysay tartanka quraanka kariimka ah ee sanad walba bisha Ramadaan...
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa xalay ku soo dhamaaday shirkii Amniga Qaranka oo uu shir guddoominayay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Shirka ayaa lagu soo saaray war-murtiyeed dhinacyo badan taabanayay oo ay ku xusnaayeen qodobadii ay isku afgarteen madaxdii kulanka ka qeybgashay ee dowladda dhexe iyo maamul...
Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, oo la hadlayay ciidamo ka jawaabay dalabkii madaxweynaha kadib weerarkii 14-kii October oo ku jira dugsiga tababarka Gen. Gordan ayaa kula dar-daarmay marka hore in ay ku shaqeeyaan anshax wanaag. Guddoomiyaha ayaa uga digay ciidamada in dhexdooda...
Xildhibaannada maamulka Hirshabeelle ayeey soo food saartay cabsi iyo walwal la xiriira ku safrida waddada isku xirtay Jowhar iyo Muqdisho kaddib weerarkii shalay lagu dilay Labo xildhibaan oo ka tirsanaa baarlamanka maamulka. Xildhibaan Maxamed Yuusuf Colow oo ka tiran Mudanayaasha Hirshabeelle ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ka dalbaday in ay door...
Golaha Amniga Qaranka ayaa kulankoodii joogtada ahaa ku yeeshay magaalada Baydhabo, 3-5 Juun 2018. Shirkaas oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada, Koonfur Galbeed ee Baydhabo waxaa looga hadlay arrimaha Amniga Qaranka, waxaana shir-guddoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waxaa sidoo kale, shirka ka soo qeyb galay Raiisul Wasaaraha...
                  Habka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya ee Sanadka 2020 Qodobka 1aad: Dhinacyada heshiiska Waxaa heshiiskan wada-gaaray Dowladda Federaalka, Iyo Dawldaha Xubnaha ka ah, iyo Maamulka gobolka Benaadir.  Qodobka 2aad: Hordhac Shirkii Golaha Amniga Qaranka ee laguqabtay Baydhabo 3-4 June, 2018ka, Markii ay tixgaliyeen kulankii Golaha Amniga Qaranka ee 6-10kii Febraayo, 2018 kaasoo lagu aasaasay Guddiga...
Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa goor dhow magaalada Baydhabo ka furay shirka Golaha Amniga Qaranka oo ay ka qeyb galaan Madaxda ugu sareysa dalka, Maamul goboleedyada, Wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo gobolka Banaadir. Ajandayaasha looga hadlayo shirka ayaa waxaa ka mid ah amniga dalka, hanaanka doorashooyinka 2020, federaaleynta, isku dhafka iyo...
Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka jawaabtay duufaantii dhawaan ku dhufatay qeybo ka mid ah Somaaliand iyada oo ku deeqday $1 malyan dollar oo qeyb ka ah gurmadka loo fidinayo dadka ay duufaantu saameysay. Gudiga Qaran ee gurmadka oo uu shir gudoominayay raiisal wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay...