Tuesday, August 25, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

                                                                                                 ...
 Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka digey cadaadis ugaga imanaya gudaha iyo dibbada midnimada dalka Soomaaliya waxana uu goluhu walaac ka muujiyay halista uu ururka Al-shabaab ku haya amaanka dalka Soomaaliya. Golaha oo shalay kulan yeeshay ayaa waxaa lagu ansixiyay qoraal uu soo hordhigay shir guddoonka golaha ammaanka kaasoo...
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa Khamiistii xil ka qaadis ku sameeyay taliye-yaashii militariga iyo sirdoonka dalkaasi, isagoo kuwo cusubna magacaabay. Ra’iisal wasaaraha ayaa taliyaha ciidamada militariga u magacaabay Seare Mekonen, kaddib markii uu xil ka qaadis ku sameeyay taliyihii hore militariga, Samora Younous. Ra’iisal wasaaraha ayaa shaqada ka eryay taliyihii...
  Wafdi uu hogaaminayo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa kulan la qaatay ra’iisal wasaaraha dalkaas, Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirada. Kulanka intii uu socday ayaa la isla-gartay in labada dal ay iska caawiyaan arrimaha ay ka mid yihiin xoojinta...
  Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xalay xooggag ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ku leeyihiin degmada Waajid. Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in ay labo jiho ka weeraray degmada Waajid, iyadoo ay beegsadeen xeryaha labada ciidan, waxaana halkaasi ku dhexmaray dagaalka hubka...
Gudoomiyaha mucaaradka ah ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay shirkii maamul goboleedyada Soomaaliya iyo dawladda dhexe uga soo dhamaaday magaaladda Baydhabo ee lagaga hadlayey xaga amniga. “Shirkaasi ay iskugu yimaadeen maamul goboleedyada iyo Muqdisho ee ka socday Baydhaba qodobada ka soo baxay waxa ku jiray in hub la...
Ciidamada militariga iyo Booliska Kenya, ayaa howlgal ballaaran ka wada qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari gaar ahaan magaalada Gaarisa, kadib markii shalay Qarax lagu dilay Shan sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada GSU dalka Kenya. Qaraxan oo si gaar ah uga dhacay tuulada Harar oo u dhaw soohdinta Soomaaliya...
Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa subaxnimadii hore ee saakay weerar culus ku qaaday deegaanka Deynuunaay, oo qiyaastii 26-KM u jira Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay. Xoogagga Al-shabaab ayaa dhanka Koonfureed ka soo weeraray deegaanka Deynuunay, iyaga iska cabin kala kulmay ciidamada dowladda Soomaaliya, oo fariisimo ku leh labada cirif...
Inta la xaqiijinayo 46 qof oo tahriibayaal ah oo Soomaaliya ka dhoofay kuna socday dalka Yemen ayaa doon ay saarnaayeen waxay kula dagtay xeebaha Yemen, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Waxaa sidoo kale la baadigoobayaa 16 qof oo kale kadib markii doontoodii ay gadoontay, sidaasina waxaa sheegtay Hay’adda Socdaalka Dunida. Dad...
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo maalintii shalay gaaray dalka Jabuuti ayaa lagu wadaa in uu maanta halkaa kulamo kula yeesho madaxda ugu sareysa dalkaasi Jabuuti. Kheyre waxaa socdaalkiisa Jabuuti ku wehlinaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Boostadda iyo Isgaarsiinta Eng Cabdi Canshuur Xasan,...