Tuesday, August 25, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Wasiirka Amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Abuuker Ducaale Isloow ayaa Heshiis dib loogu dhisayo ciidamada Booliska Soomaaliya heer federalka iyo heer dowlad Goboleed la saxiixday Peter De Clercq oo ah ku-xigeenka wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u Qaabilsan arrimaha Soomaaliya ahna Isku-duwaha howlaha gargaarka aadaminimo ee Soomaaliya. Heshiiskaan oo...
Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump iyo Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un ayaa ku kulmay goor dhow jasiirada Sentosa ee dalka Singapore. Kulankan oo caalamka oo dhan indhaha uu ku hayo ayaa labada madaxweyne ay isku salaameen, waxana uu Madaxweynaha Maraykanka sheegay inay sharaf u tahay inuu la kulmayo Kim Jong-un...
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay afur iyo casho ah ugu sameeyay guriga uu ka degen yahay magaalada Muqdisho qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada qalabka sida kana soo jeeda dowlad goboleedka Hirshabelle. Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa sidii wax loogaga qaban lahaa ammaanka deegaanada uu ka kooban...
Gudiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Xafiiskooda Diiwaangelinta ayaa Maanta Gudoonsiiyey Shan Xisbi Siyaasadeed Shahaadada KMG,kuwaas oo Kusoo Biirey Toban Xisbi Siyaasadeed oo hore Shahaadada kmg u Haystey,Xisbiyadan oo Kala ah Xisbiga Socod,Xisbiga Dadka,Xisbiga Caddaaladda iyo Badbaadada,Xisbiga Xal Qaran,iyo Xisbiga Shaqsiyada iyo Wadaniyada. Kulankan Shahaado Gudoonsiinta Xisbiyada Siyaasadeed ee Shanta...
Madaxweynaha maamulka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam oo tagay deegaanada Gosha oo ay howlgalka ka wadaan ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ayaa ku bogaadiyay ciidamada howlgalladooda ka dhnka ah Al-shabaab. Madaxweyne Axmed Madoobe oo booqday deegaannadii ay ka dhaceen dagaalladii ugu danbeeyay ee dhaxmaray ciidamada Jubbaland iyo Al-shabaab...
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya baxaya dagaal xalay laba jeer ka dhacay deegaanka Siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho kdadib weerar ay dagaalamayaasha Al-shabaab ku soo qaadeyn deegaankaasi. Dadka deegaanka Siinka Dheer oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in koox hubeysan oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ay...
Xerada qaxootiga Kakuma ee dalka Kenya oo ay ku noolyihiin bollaal Soomaali ah ayaa lugu qabtay bandhiga caalamiga ah TEDx ,waxaana marti ku ahaa oo guulaha ay nolasha ka gaareen ku soo bandhigay dad horey usoo marey nolasha qaxootinimo. Bandhiga Sabtidii oo inta la ogyahay noqonaya midkii ugu horreeyay ee...
Waxaa dib loo furay qeybo badan oo xirnaa jidadka magaalada Muqdisho kuwaa oo maalmihii ugu danbeeyay dadka iyo gadiidka intaba loo diiday in ay isticmaalaan. Jidadka dib loo furay ayaa maalmihii ugu danbeeyayba u xirnaa ciidamada amaanka Soomaaliya, arintaa oo siweyn ay uga soo horjeesteen shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho...
Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisoow) ayaa maanta amray in la burburiyo dhismaha Piazza Libera ee Ceelgaabta bacdamaa goobtaas ay tahay mid dan guud si loogu soo celiyo sideedii hore. Duqa Muqdisho ayaa kal hore hakiyey dhismaha goobtan ka dibna u direy baaris rasmi...
Dagaalladan oo u dhexeeya ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab ayaa saaka markale dib uga qarxay deegaanka Baar-Zanguuni oo qiyaastii 50 km dhanka waqooyi kaga beegan Kismaayo.   Maleeyshiyaadka Al-shabaab ayaa xalay weerar xooggan ku qaaday deegaanka Baar-Zanguuni oo dhawaan lagala wareegay, waxaana...