Tuesday, August 25, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Dowladaha Talyaaniga iyo Faransiiska ayaa billaabay eedeymo ay warbaahinta isu marinayaan kadib markii dhawaan Talyaanigu uu diiday in Dalkiisa uu ku soo xirto Markab siday dad muhaajiriin ah. Giuseppe Conte oo ah Raiisul wasaariha dalka Taliyaaniga ayaa si kulul uga jawaabay eedeeyn uga timid madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron,taasi oo ku...
Dibedbaxayaasha ayaa maalintii labaad isugu soo baxay waqooyiga Itoobiya si ay u muujiyaan in ay ka soo horejeedaan warbixintii ay dowaladda toddobaadkii hore ku dhawaaqday oo ahayd in dowladdu ay Eritrea ku wareejineyso dhulka la isku haysto ee ku yaallo xuddudda Eritrea. Wararka ayaa sheegaya in dibadbayasha ay ku dhawaaqayeen...
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay la kulmay dalladaha ay ku midaysanyihiin culumada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay culumada diinta in ay dardar geliyaan kaalintooda kaga aaddan dagaalka ka dhanka ah afkaaraha xagjirnimada ah. Madaxweynaha ayaa sheegay in wadajirka iyo wada-shaqeynta culamadu ay asaas u tahay qorsheyaasha cirib-tirka argagixisada iyo...
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xalay xooggag ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen fariisin ciidamada dowladda ku lahaayeen degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay. Saraakiil ka tirsan militariga Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku geeryoodeen Laba ka mid ah ciidamadii ku sugnaa fariisinka, halka ay ku dhaawacmeen...
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay kormeerkiisii caadiga ahaa wuxuu ku tagay qaar ka mid ah isgoysyada Muqdisho, xarunta dambi baarista ee CID-da, xarunta taliska ciidamada nabadgelyada wadooyinka iyo xarunta tababarka ciidanka booliska Soomaaliyeed. Khayre oo kormeerkiisa ay ku wehlinayeen Wasiirka amniga Soomaaliya, Taliyaha ciidamada booliska, Taliyaha...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha danjiranimo ka guddoomay Safiirka dowladda Belgium ay u soo dirsatay Soomaaliya Mudane Nicolas Nihon. Nihon oo ah Danjirihii ugu horreeyey ee Belgium ay u soo magacawdo Soomaaliya ayaa Madaxwweyne Farmaajo u gudbiyey salaan uu uga siday Boqorka dalkaas Philippe...
Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya,Bashiir Ciise Cali ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey Shilin Soomaaliga cusub ee dowladda qorsheyneyso in ay soo daabacato. Wasiirka maaliyadda Federaalka ayaa Sabtidii shir jaraa'id ku soo bandhigay naqshadda lacagta cusub oo isugu jirta 10,000 iyo 5,000, lacagtan waxaa ay noqon karta midda ugu wanagsan...
Kulankan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee Muqdisho ayaa dhex marey Wasiirka cusub ee Wasaaraddaasi Xassan Cali Maxamed “Amar Dambe” iyo BG Pietro Addis oo ah taliyaha xafiiska howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya gaar ahaan qeybta tababarada. Saraakiisha Midowga Yurub ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyey wasiirka cusub ee...
Saraakiil uu horkacayo taliyaha howl-galinta ciidamada xoogga dalka General Maxamed Sheekh Madoowe ayaa booqasho ku tagay deegaanka Baar Sanguuni oo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed dhawaan ay kala wareegeen Al-Shabaab. Taliyaha iyo saraakiishii la soctay ayaa booqday deegaanno dhowr ah oo ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo,kuwaasoo ay saameeyeen dagaalladii ugu dambeeyay. Taliyaha...
Dowladda Spain ayaa aqbashay in markabkii siday muhaajiriin gaaraya 629 qof kadib markii Talyaniga iyo jasiiradda Malta ay diideen in markabka uu ku soo xirto dekadohooda, sida lagu sheegay wakaalada wararka ee Reuters. Markabkan ayaa muhaajirintaan oo ay ka mid ahaayeen 123 da’yar ah oo aan cidi wehlin, 11 caruur...