Tuesday, August 25, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ayaa kulan uu la qaatay madaxweynaha Soomaaliya kaddib labada mas’uul waxaa ay shir jaraa’id wada jir ugu qabteen xarunta madaxtooyada Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in maanta booqasho  uu ku yimaado...
  Waxaa goor dhaw garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho soo caga dhigatay diyaarada siday wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Itoobiya Abiy Axmed,oo markii ugu horeysay soo gaaray Soomaaliya tan iyo intii la doortay. Madaxda dowladda Soomaaliya oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa...
Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa siweyn loo adkeeyay si duwan maalmihii la soo dhaafay, iyadoo maalintii labaad ay tahay Ciidul Fidriga. Ciidamo si gaar ah u tababaran ayaa saakay la dhigay waddooyin hor leh oo ka mid ah kuwa magaalada Muqdisho, waxaana meelaha qaar la diiday isu socodka dadka iyo gaadiidka. Wararka...
Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu soo gaaro wafdi ballaaran oo ka socda dalka Itoobiya oo uu horkacayo ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed. Abiy Ahmed ayaa tan iyo markii la doortay ku jiray booqasho uu ku tagayay wadamada dariska la ah Itoobiya, waxa uuna Ra’isul...
Guud ahaan dunida Muslimka ayaa maalintii labaad si weyn ugu dabaal-degaya munaasabada Ciidul-Fidriga , oo maalintii shalay siweyn loogu dabaal-degay maalintii Koowaad. Dadka Islaamka ah ayaa mudo 29 maalmood ah gudanayay waajibaadka iyo kheyraadka ku jira bisha barakeysan ee Ramadaan, waxayna maanta u dabaaldegayaan Ciidul-Fidriga. Gaar ahaan marka la eego dadka...
Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas oo dadweynaha salaadda Ciidda kula tukadey magaalada Garoowe,ayaa sheegay Puntland inay ka shaqeynayso nabadda , balse ay iska difaaci doonan cid walba oo soo weerarta. Madaxweynaha ayaa sidoo kale hambalyo u direy shacabka , wuxuuna ugu baaqay midnimo - isagoo marka duulaan iyo daandaansi ku eedeyay...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka Salaadda Ciidda kula tukaday kumannaan qof Masjidka Isbahaysiga Islaamka ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan midnimo, isu damqasho iyo is garab qabasho, lana shaqeeyaan hay’adaha amniga dalka si loola dagaalamo Al-shabaab. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay shacabka magaalada Muqdisho dulqaadka...
Danjiraha Gaarka ah ee xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan dadka Soomaaliyeed munaasabadda Ciiddul Fidriga. “Anigoo ku hadlaya magaca dhammaan bahda Qaramada Midoobay ee ka hawlgasha Soomaaliya, isaga oo u rajeeyay Ciid farxadeed. Keating ayaa sheegay in uu u rajeynayo dadka Soomaaliyeed...
 Basal xumaatay oo la doonayey in Somaliland la soo galiyo ayaa laga celiyey magaalo xuduudda Togwajaale ee Somaliland iyo Itoobiya u dhexeysa. Khudaartan ayaa la sheegay inay ka timid Suudaan,isla markaana soo dhexmartay Itoobiya, iyadoo lagu waday in magaalada Hargeysa la keeno, haseyeeshee hay’adda Tayadda Raashinka oo baadhitaan ku samaysay...
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa cafis u fidiyey Maxaabiista dambiyadda fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan. Ku dhowaad shan boqol iyo kow iyo toban maxbuus ayaa dib loo siiyey xoriyadoodii bisha Ciida Ramadaan awgeed, waxaana maxaabiistan loo kala saaray siday u kala dambi fudud yihiin. “Madaxweynaha Somaliland, Mudane...