Monday, August 24, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Waxaa maalintii shalay si rasmi ah looga daah-furay dalka Jabuuti Aaga Ganacsiga xorta ah ee jabuuti ee Shiinuhu dhisayo, kaasoo ah kan ugu weyn guud ahaan marka la eego qaarada Africa. Aagga ganacsiga xorta ah ee Jabuuti ayaa la filayaa in ay soo marto badeecad qiimaheeda lagu qiyaasayo 7 bilyan...
Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeynayaa in ay  ku xadgudubtay Xuquuqda Aadanaha, islamarkaana mudaddii ay jirtay  geysatay Xadgudubyo badan oo ka dhan ah Xuuquuqda Aadanaha. Kulan yeesheen Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa lagu meelmariyay Qaraar ka hadlaya in dowladda Soomaaliya ay hareer martay Hanaanka Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha,islaamrakana ay jiraan Xadgudubyo loo geystay...
  Waxaa dalka Koonfur Afrika lagu qabtay carwo lagu kireynayo xabsigii uu mudada dheer ku xirnaa madaxweynihii hore ee dalkaas Nelson Mandela, waxaana habeenkii lagu seexanayaa lacag dhan $250,000 ama rubuc malyuun doolar. Waxaa halkii habeen ku hoyanaya xabsigan illaa 67 qof , halkaas oo ahayd xabsi si weyn loo illaaliyo. Mandela...
Baarlamaanka Itoobiya ayaa fadhi deg-deg ah oo goor dhow yeeshay ku ansixiyay qaraar ay Golaha wasiirada u soo gudbiyeen, kaasoo ahaa in liiska argagixisada laga saaro ururada hubeysan ee mucaaradka ku ahaa dalkaas. Xubnaha Baarlamaanka ayaa si aqlabiyad leh u meel mariyay qaraarka liiska Argagixisada looga saaro Ururada Ginbot 7,...
Wararka ka imanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in Al-shabaab rasaas ku fureen gaari ay saarnaayeen dad shacab oo ka baxsanayay dagaal ka dhacay deegaan lagu magacaabo Caad oo iska horimaad uu ku dhaxmaraay xoolo dhaqato iyo Al-shabaab. Maalintii shalay ayeey aheyd markii dagaal u dhaxeeyay shacab iyo A-shabaab wuxuu ka...
Kulan looga hadlayay dardar-galinta Amniga magaalada Muqdisho ayaa xalay lagu qabtay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar. Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiro ka tirsan xukuumadda oo uu ugu horeeyo Wasiirka arrimaha gudaha, Xildhibaano, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Nabad Sugidda Soomaaliya, Saraakiil ciidan iyo xubno kale. Inta uu...
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay xilli dambe isku shaandheyn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada, waxaana magacaabistan ku jira shaqsiyaad ku cusub golaha lagu soo daray. Maalmahan dambe ayaa warbaahinta waxa ay aad u hadal heysay in Madaxweyne Axmed Madoobe uu wado qorshe uu isku shaandheyn ugu...
Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Jabhada ONLF in muddo ahna u xirnaa dowladda Itoobiya ayaa xalay gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaddib markii dhawaan la sii daayay. Siyaasiga C/kariin (Qalbi-dhagax) oo Khamiistii ina dhaaftay laga sii daayay xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa ee...
Gudoomiyaha Gobolka Sool ayaa xilkii taliyaha qaybta Booliska Gobolka Sool u kala sareejiyey Taliyihii hore iyo ku xigeenkiisii. Xilwareejintan oo ka dhacday xarunta qaybta Booliska Gobolka Sool ayaa waxaa ka hadlay Taliyihii xilka Wareejinayey G/sare C/risaaq Maxamed Faarax oo sheegay in uu maanta si buuxda xilkii ciidanka uu ku wareejiyey...
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa warqad uu soo saaray wuxuu amar ku siiyay bulshada ku nool magaalada Muqdisho gaar ahaan dadka xoolaha heesta ee xoolahooda magaalada u soo daaqsima taga. Duqa Muqdisho ayaa Taariikhda amarakan uu soo baxay oo ah 03-da July...