Qarayo ismiidaamin ah iyo weerar toos ah ayaa goor dhaw lagu qaaday xarunta wasaaradda arrimaha gudaha oo ku dhaw isgoyska sayidka.
Qaraxa ayaa markii hore ka dhacay ilinka hore ee wasaaradda arrimaha gudaha xaruntii hore ee Oto Oto, kadib-na waxaa bilaabatay rasaas xoogan oo leys weydaarsanayo, iyadoo warar soo baxaya...
Ayadoo dhawaan madaxweynaha dalka Jabutii Mudane Ismaaciil Cuamr Geelle uu daahfuray Mashruuca aagga ganacsiga xorta ah ee dalkaasi, kaa oo ay daahfurkiisu ka qeybgaleen madaxda gobolka iyo ganacsato ka socotay dalalka gobolka iyo Shiinaha, ayay ganacsatadii Soomaaliyeed ee ka qeybgalay daahfurka Mashruucaasi waxa ay rajo wanaagsan ka muujiyeen dekeddan...
Hay’adda Lacagta Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IMF ayaa sheegtay in ay waddo dadaallo kala duwan oo loogu tala galay in lagu tayeeyo Shaqaallaha iyo sidoo kale Adeegyadda ay bixiso dowladda Soomaaliya.
Hay’adda IMF Waxa ay sheegtay in bilihii lasoo dhaafay ay socdeen dadaallo ku aadan in Sare loo...
Wararka Naga soo gaaraya deegaanka Ceeldheere oo ka tirsan ismaamulka Gaarisa ee dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaa maleeshiyaad soo weeraray ku dileen Saddex ruux oo rayid ah.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in kooxaha soo weeraray deegaanka ay ka soo gudbeen Koonfurta deegaanka Isyeelow, waxaana lagu waramayaa in weerarkani ahaa...
Wararka ka imanaya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in saaacadihii aynu ka soo gudbay halkaa laga maqlay madaafiic ay is weydaarsadeen ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland ee isku hor fadhiya jiida hore ee dagaalka.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyay in madaafiicdan oo soctay dhowr daqiiqo sababeen khasaare...
Baarlamaanka Midowga Yurub oo kulan yeeshay ayaa War uu ka soo saaray xaalada Soomaaliya, waxaa uu ku dalbaday in Soomaaliya laga daayo fara-galinta shisheeye ee lagu hayo.
Qaraarkan ayaa wax-yaabaha ku qornaa waxaa ka mid ahaa mowqifkii dhex-dhexaadnimo ee ay Somaaliya ka istaagtay xiisadda Khaliijka oo lagu sheegay uu dhaliyay...
Maxkamad ku taalla dalka Pakistan ayaa toban sano oo xabsi ah ku xukuntay ra’iisal wasaarihii hore ee dalkaasi Nawaz Sharif, kaddib markii ay ku heshay dambi ah eedeymo musuqmaasuq.
Sidoo kale Maxkamadan ayaa waxaa ay ku xukuntay min toban san oo xarig ah gabar uu dhalay Nawaz iyo wiil uu...
Shir wadajir ah oo u dhaxeeyay Hay’adaha u xilsaaran Siyaasadda dalka iyo Guddiga Farsamo ee Wada xaajoodka Arrimaha Federaalka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa ku soo gabagaboobay magaalada Muqdisho.
Intii uu socday shirka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Dastuurka, Federaaleynta dalka, doorashooyinka, Hanaanka Cadaaladda ee Federaalka...
Xildhibaannada maamul gobolleedka Hirshabeelle ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.
Xildhibaannada ayaa sheegay in xilligaan aan loo baahneyn in dhiig badan uu ku daato degmada shacabkana loogu baahan yahay iney xabad joojinta qaataan.
Xildhibaanadaan oo la hadlay...
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa khamiistii shalay kormeer ku tagey Dugsiga tababarka Ciidamada Gen. Gordon ee Magaaladan Muqdisho, halkaasoo ay horay u maamulayeen Imaaraadka Carabta.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xerada kula hadlay ciidamada ka tirsan Guutada 14-ka October ee CDS oo uu Xeradaasi tababar ugu soconayay ayaa sheegay...


















