Monday, August 24, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa maanta lugu wadaa in xabsiga dhexe ee magaalada Jigjiga ka-sii daayso inta badan maxaabiista ku xiran. Maalmihii u dambeeyay, waxaa xabsiga ku laa-laabannayay ehalada maxaabiista ku xiran xabsiga, waxaa shalay barxad ku dhex-taalla xabsiga la isagu keennay maxaabiista ku xiran xabsiga oo lugu...
Xoghayaha caafimmaadka ee dalka Britain, Jeremy Hunt ayaa loo magacaabay xilka wasiirka arrimaha dibadda ee Britain, kadib markii uu xilkaasi iska casilay Boris Johnson. Ra’iisul wasaaraha Britain, Theresa May ayaa la kulantay cadaadis xoogan oo kaga imaanayay xisbigeeda, taasi oo ku saabsaaneyd qorshaha ay ku wajaheyso ka bixida midowga Yurub. Wasiirkan...
Madaxweynaha dowlad gobolleedka  Koonfur Galbeed  Shariif Xasan Sheekh Aadan  ayaa ku eedeeyay howlgalka midowga Africa AMISOM in ay ku fashilmeen isku furida sida uu hadalka u dhigay Waddada xiriirisa Baydhabo iyo Muqdisho. Shariif Xassan ayaa sheegay in marista waddadan muhiim u tahay bulshada isaga oo dowladda federaalka ugu baaqay in...
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa garyaqaan Brett Kavanaugh u magacaabay inuu noqdo mid ka mid ah xeer-ilaaliyaasha Maxkamadda Sare ee Mareykanka, si uu u bedello booska uu banneeyay Justice Anthony Kennedy oo howlgab noqday. Munaasabad ka dhacday Qolka Bari ee Aqalka Cad si toos ahna looga daawanayay telefishinka, ayuu madaxweyne...
Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ee mar kale la soo doortay ayaa magacaabay golihiisa xukuumadda wax yar uun kaddib markii xafiiska loo dhaariyay. Madaxweynaha Turkiga ayaa wiilka uu Soddoga u yahay ee lagu magacaabo Berat Albayrak waxaa uu magacaabay in uu noqdo Wasiirka Maaaliyadda dalka Turkiga. Erdogan ayaa dib loo...
Howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa qoraal ka soo baxay waxaa uu si adag uga hadlay weerarkii dhawaan Al-shabaab ay ku qaadeen xarunta Otto Otto oo ay hadda ku shaqeeyaan Wasaaraddaha Arrimaha gudaha iyo Amniga dowladda Soomaaaliya. AMISOM ayaa sheegay in weerarkaasi yahay mid muujinaya in Al-shabaab aysan wax dan ah...
Kaddib Qoraal ka soo baxay Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha Maxamed Abuukar Isloow Ducaalle ayaa lagu sheegay in xilkii afhayeenka Wasaaradda laga qaaday Cabdicasiis Xildhibaan. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda amniga ayaa waxaa lagu sheegay in warqada xilka qaadista Afhayeenkii Wasaaradda amniga ay soo baxday 5 bishan July balse aanan warbaahinta...
Ra’iisal Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta kormeeray wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ayaa kulan xog-wareysi ah la qaatay wasiirka wasaaradda, Jamaal Maxamed Xasan. Wasiirka Qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta Jamaal Maxamed Xassan oo ka warbixiyay kormeerka Ra’iisul Wasare Xasan Cali Khayre uu ku tegay xarunta...
Kaddib markii labada dowladood Itoobiya iyo Eritrea meel iska dhigeen colaadii muddada dheer dhax tiilay, ayaa waxaa ay u muuqataa dowladda Eritrea in mar kale ay ka soo dhax muuqato kulamada caalamiga ah. Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Maxbuub Macalin ayaa sheegay inay rajeynayaan in Eritrea ay dib uga...
Ilaa lix wasiir oo ka tirsan xubnihii uu dhawaan magacaabay madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam ayaa maanta loo dhaariyay, xilalkooda, ayadoo munaasabadda dhaarinta ay ka dhacday xarunta madaxtooyada Jubbaland ee magaalada Kismaayo.   Goobtii lagu dhaarinayay xubnaha ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee...