Hay’adda Amnesty International ayaa ku eedaysay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo ciidamada amniga ee Yemen ee Imaaraadka xulufada la ah inay geysteen dambiyo dagaal, iyaga oo lagu eedeeyey inay jirdileen dad ku jiray xabsiyo qarsoodi oo ka jira dhammaan koonfurta Yemen.
Warbixinta Amnesty ayaa lagu yiri “Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo...
Ismaamulka Soomaalida ee dowlad deegaanka Itoobiya ayaa sheegay in laga sii daayay xabsiga Jeel Ogaadeenaya ee magaalada Jigjiga maxaabiis kale oo aad u badan sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Idiris Ismaaciil Cabdi oo ah Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo la hadlay Idaacada VOA ayaa xaqiijiyay...
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka qeyb galay caleema saarka Madaxweynaha dalka Turkiga iyo shirka Madasha Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha oo ka dhacay magaalada Jabuuti, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa intii ay ku sugnaayeen magaalooyinka Jabuuti iyo Ankara waxa uu si gaar ah...
Xildhbaaannada ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, laakiin ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa sheegay in kulamada ugu soo horeeya ee Golaha Shacabka horgeyn doonaan cabasho ka dhan ah tacadiyada ka jirta Waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.
Xildhibaannada ayaa sheegay in shacabka isaga kala goosha labada magaalo dhibaato weyn ku qabaan...
Al-shabaab oo markii ugu horeysay ka hadashay heshiiskii ay dhawaan gaareen hogaamiyayaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku saabsanaa maalgashiga dekeddaha ayaa sheegtay in ay ka hortagi doonaan wax ay ku tilmaameen sida ay hadalka u dhigeen damaca Itoobiya.
Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu magacaabo Mahad Kaarateey oo warbaahinta la...
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa Khudbad ka jeediyay shirka Sideedaad ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta ee lagu qabtay Aqalka Shacabka ee caasimadda Beijing ee dalka Shiinaha.
Wasiirka ayaa ugu horeyn ka mahad celiyay sida maamuuska leh ee loogu soo dhaweeyay...
Dalka Jabuuti waxaa lagu soo gaba gabeeyay shirkii looga hadlayay arrimaha barakacayaasha, qaxootiga iyo muhaajiriinta ee maalmahan dambe saameynta xoogga leh ku yeeshay dalalka Bariga Afrika.
Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay urur goboleedka IGAD ayaa waxaa ka qeyb galay wufuud ka kala socotay dalalka xubinta ka ah IGAD oo...
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed iyo mas’uuliyiinta kale ayaa saldhigga howlgalka ciidamada Midowga Yurub ee tabbabarada siiya ciidamada xoogga dalka waxaa ay kula kulmeen Taliyaha cusub ee howlgalka Brigadier Gen. Matteo Spreafico iyo Gen. Pietro Addis oo xilkaas baneeyay, ayagoo kala hadlay dar-dargelinta howlaha dib loogu dhisayo ciidanka...
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan kula qaatay Magaalada Ankara ee dalka Turkiga Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
“Waxaan maanta kula kulmay magaalada Ankara madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, waxaan iska wareysannay horumarka, fursaddaha iyo caqabaddaha horyaalla dalkeenna, annaga oo isla qaadannay ahmiyadda ay...
Lix iyo lixdan ergay oo iskugu jira Culimo, madax dhaqameed, waxgarad iyo siyaasiyiin ayaa gaadhay degmadda Ceel Afweyn oo ay ka jirto colaad u dhexeysa laba beelood oo walaalo ahi, taas oo dagaal soo noqnoqday ka dhacay.
Ergooyinkan waxa hogaaminayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Saylici, waxaanu kulamo gaargaar...


















