Monday, August 24, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dib u howlgalin doonto xiryihii waaa-weynaa ciidamadu lahaan jireen, gaar ahaan xerada Hiil-Weyne oo ku taala dulleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Wasiirka Wasaaradda difaaca xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cali Xassan oo uu wehliyo taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa kormeer ku tagay xerada,...
Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Max’uud Cumar ayaa u soo jeediyay Ururrada Mucaaradka ah in ay nabada qaataan, iyaga oo ka faa’ideysanaya isbadalka siyaasadeed ee guud ahaan ka hana-qaaday dalka Itoobiya. Laakiin dhinaca kale waxaa uu sheegay in maamulka deegaanka ee uu madaxweynaha ka yahay laga yaabo in ay...
Ku simaha Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir oo waraysi siiyay warbaahinta dowladda, isaga oo ku sugan wadanka Sacuudiga ayaa wuxuu ka warbixiyay kulamo uu halkaasi kula qaatay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Xajka ee dalka Sacuudiga. Wasiirka ayaa sheegay inuu kala hadlay arrimo...
    Midowga Yurub ayaa sheegay inay Soomaaliya ugu yaboohi doonaan dhaqaale gaaraya €89 Million oo Yuuro, oo u dhiganta ku dhowaad $105 Million oo Doollar, sida Arbacadii Shalay laga soo xigtay guddida Yurub. Bayaankan ka soo baxay Midowga Yurub ayaa imanaya xilli la qorsheynayo inuu dhowaan Brussels ku qabsoomo shirka madasha...
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa sheegay in diyaarad aan sharuudaha looga baahan yahay u dhameystirneyn ay ka shaqo gali garin Garoonka Diyaaraha Adan cadde ee Magaalada Muqdisho. Si loo hubiyo adeegyada ay u baahan yihin diyaaradaha kasoo dego iyo kuwa ka baxa Garoonka Aadan...
Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa u doortay Donald Yamamoto in uu noqdo safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, isaga oo badallaya safiirkii hore Stephen Schwartz.. Ninkan cusub ee la soo magacaabay ayaa horay u ahaa u qeysnaha Africa waaxda arrimaha dibedda dalka Mareynkanka, waxaana uu horay uga soo shaqeeyay...
Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Wasiirada Arrimaha Dibadda dalalka Somalia, Mauritania, Tunisia, Yemen and Libya, wuxuuna kala hadlay xaaladaha dalalkooda ku saabsan. Wasiiradan ayaa dalka Shiinaha uga qeyb galay shirka Sideedaad ee madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta ee lagu qabtay Aqalka Shacabka...
Maanta oo kale 12kii July, sanadkii 1993dii, 25 Sano ka hor ayeey ku beegan markii diyaarado laga leeyahay dalka Mareykanka duqeyn ku dileen 73 Qof ku guri ku yaala magaalada Muqdisho. Magaalada Muqdisho waxaa waqtigaa ka socday dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamadii howlgalka Qaramada Midoobey Soomaaliya iyo maleeshiyaad Soomaali...
  Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in diyaarado dagaal duqeeyeen saldhig ururka Al-shabaab ay ku leeyihiin Tuulada Xasan Kuusow oo ka tirsan gobolkaasi. Tuulada Xasan Kuusow oo Duqeyntan ay si gaar ah uga dhacday ayaa waxa ay u dhaxeysaa Deegaanada Jawaari iyo Raaxoole oo Jubbada Dhexe ka tirsan. Warar...
                                                                                                 ...