Madaxweynaha Eritrea Isias Afwerki ayaa goor dhaw ka degay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo uga bilaabatay booqasho Taariikhi ah oo qaadan doonta 3 cisho.
Madaxweyne Afwerki ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Bole ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, waxaana loo sameeyay soo dhoweyn heerkeedu sareysay.
Socdaalka Madaxweynaha Eritrea...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa lagu wadaa in ay maanta u anbabaxaan magaalada Brussels ee dalka Belgium –ka.
Shir looga hadlayo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in 16ka bishan oo ku beegan Isniinta ina soo aadan uu halkaa ka furmo, waxaana shirkaa...
Doon sida ayaa lagu waramayaa in ay ku xayiran tahay xeebaha dalka Talyaaniga sidda ay shaaciyeen hay’addaha u dooda xuquuqda Muhaajiriinta.
Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay in aysan qaabili doonin muhaajiriintaasi oo badankooda ka soo jeedda Qaaradda Afrika laakiin ay haboon tahay in dowladda Malta ay qaadato Mas’uuliyiinta dadkaasi.
Xukuumadda Malta ayaa...
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa isku shaandheyn kooban ku sameeyay Golihiisa Wasiirrada isaga oo dhinaca kalana magacaabay Safiiro dhowr ah.
Isku-shaandheyntan waxaa xilka ku waayay Wasiirkii Ganacsiga dalkaasi Kenya Aadan Maxamed, iyadoo xilka Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga loo magacaabay Peter Munye.
Wasaaradda Ganacsiga ayaa ka mid ah marka la eego dalka Kenya...
Kaddib waraysi lala yeeshay ilo ku sugan Jabuuti iyo Soomaaliya, Wargeyska “ the Indian Ocean Newsletter” waxa uu isku keenay xog toosh ku ifinaysa halka uu ka bilowdo iyo halka uu ku dhammaado hub marin kiisu yahay waddanka Jabuuti. Waa hawl si xeeladaysan loo fuliyo, oo madaxda ku lug lihi, inkastoo...
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo booqasho ku jooga dalka Britain ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Britian Theresa May waxana shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen uu ku sheegay Madaxeyne Trump in uu taageersan yahay xukuumada May isagoo beeniyay war uu daabacay wargeyska The Sun.
Wargeyska The Sun...
Fatuma Axmed ayaa maanta loo dhaariyay haweeneeydii ugu horeysay oo daraja Janaraal ka gaarta ciidamada qalabka sida ee dalka Kenya.
Fatuma ayaa lagu dhaariyay xaflad si qurux badan loo soo agaasimay oo ka dhacday magalada Nairobi islamarkana uu goobjoog ka ahaa madaxwayne Uhuru Kenyatta.
Fatuma ayaa militariga dalka kanya ku biirtay...
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay is-fahamka ay gaareen Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug oo maalmahan u joogay magaalada Muqdisho xal u helida khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhex jiray.
War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa lagu soo dhoweeyay heshiiska ay gaareen Madaxda Galmudug.
“Kaddib wada-tashiyo aan la yeeshay dhinacyada...
Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland Mudane Max'uud Sayid Aadan oo shir jaraa'id ku qabtay xarunta madaxtooyada Jubbaland ee magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay sababtay ay Jubbaland u amartay in ay Muqdisho ku laabato diyaarad siday saraakiil uu hogaaminayay taliyaha cusub ee qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka Gen. Cali...
Warar goor dhaw naga soo gaaray dulleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim ayaa sheegaya in rag hubeysan ku dileen Sheekh Cabdullaahi Maxamed Roobe oo da’diisa lagu sheegay 85 sano jir.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in rag watayMootada loo yaqaano VIKON in ay gaari NOAH ah oo...


















