Monday, August 24, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Dowladda Jabuuti ayaa markan u muuqata in ay ogolaatay in ay mag-dhaw siiso shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka ee ka shaqeysa arrimaha dekeddaha ee DP World. Arrintan ayaa ka danbeysay muran in muddo ahba soo jiitamayay oo ka taagnaa heshiis la xiriiray dekedda Doorale oo dowladda Jabuuti la gashay shirkadda...
Wararka ka imanaya dalka Masar ayaa sheegaya in tiro dad Soomaali ah xalay laamaha Amniga dalkaa ka qab qabteen xaafadda ay Soomaalidu u badan tahay Caashir ee magaalada Qaahira. Dadka ayaa la qab qabtay iyaga oo ku sugnaa goobaha lagu caweeyo xiliyada habeennkii ee maqaayadaha ku yaala xaafadda ay Soomaalidu...
Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa laamaha amniga dalka ku amray in sida ugu dhaqsiyaha badan ciidamo loo geeyo deegaannada ay ku dagaalamayaan Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada, kaddib markii la dilay mas’uuliyiin ka tirsan Ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Guddoomiye degmo iyo madaxii hogaanka Amniga degmada Filtu ayaa la sheegay in...
Madaxweyne dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu garawaaqsaday isla markaana ogolaaday baaritaankii Laamaha Sirdoonka Maraykanku ku sheegeen in Ruushku farogeliyey doorashadii Maraykanka ee 2016-kii, taas oo ah mid burinaysa hadalladii uu ka yiri shirmadaxeedkii uu la yeeshay Vladimir Putin Isniintii. Madaxweynahaa cambaareyn kala kulmay aqalka Congress-ka oo ku...
                        Wakiilo ka socda 58 waddan iyo 6 urur oo caalami ah ayaa isugu yimid magaalada Brussels 16-kii iyo 17-kii July 2018 si ay uga qaybqaataan Forum 2-aad ee Iskaashatada Soomaaliya (SPF), ka dib markii SPF guulaysanaysay Muqdisho 5-tii December 2017.   Kulanka waxaa furay H.E. Maxamed Cabdullaahi Maxamed, Madaxweynaha...
Waxaa lagu wadaa in ilaa galinka danbe ee maanta la soo gabagabeeyo Shirka Brussels ee looga hadlayo xaalada Soomaaliya, iyadoo ay soconayaan kulamo gar gaar ah oo ay leeyihiin madaxda shirka ka qeybgaleysa. Kulanka ayaa wajigiisa labaad lagu wadaa in uu noqdo mid u dhaxeyn doona madaxda beesha caalamka iyo...
Khilaafkan oo u muuqda mid salka ku haya kala sareynta mas’uuliyinta dowladda iyo cidda ay tahay in ay sii waddo shaqada Wasaaradda marka uu Wasiirku dalka ka maqan yahay. Wasiiru-dowluhu Wasaaradda Maaliyada Maxamed Xayir Ibraahim ayaa ka hor yimid  Qoraal horay uga soo baxay Wasiirka Maaliyada Cabdiraxmaan Ducaalle Beylle oo...
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa si kulul uga hadlay dagaallada u dhaxeeya Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida Itoobiya, isaga oo ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaalladaas. Hadalkan ayuu ka jeediyay Warbaahinta dowladda kaddib markii ay halkaa ka dhoofeen magaalada Addis Ababa wafdiggii uu horkacayay madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerk. Abiy ayaa gaar...
Baarlamaanka dalka Masar ayaa Isniinti shalay ansixiyay dhowr qodob oo sharci ah oo uu ku jiro xeer u ogolaanaya dadka ajnabiga ah in ay heli karaan jinsiyadda Masar haddii ay dhigtaan bankiyada dalkaasi lacag dhan $400,000 afar boqol oo kun oo dollar. Sharcigan ayaa dhigaya in qofka ajnabiga ah uu...
Ururrka ONLF ayaa markii ugu horeysay bayaan ka soo saaray dagaalka u dhaxeya Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida ee dalka Itoobiya, kaa oo sababay khasaare ballaaran oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Cabduqaadir Xassan Hirmooge Cadaani oo ah afhayeenka Ururka ONLF oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in dagaalladii ugu...