Beeraleyda Mareykanka ayaa heli doona 12 bilyan oo dollar oo gargaar deg deg ah si ay uga caawiso khasaaraha la filayo inuu kasoo gaaro siyaasadaha ganacsi ee Madaxweyne Trump.
Xoghayaha labaad ee dhinaca warfaafinta Aqalka Cad, Hogan Gidley ayaa sheegay in Madaxweyne Trump uu sameyn doono wax walba oo uu...
War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo cuskanaya qodobka 87 iyo 90 aad ee Dastuurka KMG uu abuurayo guddiga dhaqaalaha Qaranka.
Xeerkan oo ku taaariikheysan in uu soo baxay 12kii bishan July waxaa lagu faafiyay qaab dhismeedka...
Kooxda dab damiska dalka Giriigga ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintay dab ka kacay goob kayn ah ay iminka koradhay.
Saraakiisha ayaa waxay sheegeen in tirada ku dhimatay dabkaasi ka kacay meel u dhaw Athens ay imika gaartay 74 qof.
Dab-kani ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay ku dhawaad 200...
Sida laga soo xigtay dadka deegaanka diyaarado dagaal xalay ayaa fiidkii duqeyn ka geystay deegaanka Qalimoow ee gobolka Shabeellaha dhexe oo galinkii danbe ee shalay ay la wareegeen xoogag ka tirsan Al-shabaab.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ka hor inta aysan...
Labo dhalinyaro Soomaali ayaa saacadihii ugu danbeeyay lagu waramayaa in lagu dilay xaafaddaha isku raranka ah ee galbeedka magaalada Cape Town dalka Koonfur Africa sida laga soo xigtay Jaaliyada Soomaalida Koonfur Africa.
Dhalinyarada la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Ismaaciil Cabdi Macow iyo Cali Maxamuud Cadow oo xalay la...
Ciidamo aad u hubeysan ayaa la soo dhoobay magaalda Jigjiga kaddib rabshado saacadihii ugu danbeeyay ay ka dhigeen magaalada dad u badnaa dhalinyaro ka cabanaya maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee uu horkacayo madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.
Dad u badan dhalinyaro ayaa la arkayay maalintii shalay iyaga oo isugu soo...
Hogaamiyayaasha Imaaraadka, Itoobiya iyo Eritrea oo ku kulmay magaalada Abu-Dhabi ayaa ka wada hadlay arrimo la xiriirka heshiiskii taariikhiga ahaa oo ay wada gareen labada dowladood ee Itoobiya iyo Eritrea iyadoo Dhaxal-sugaha Imaaradda Abu-Dhabi, Maxamed Bin Zaayid oo arintaa bogaadiyay.
Sida uu qoray Wargeyska The Gulf-News ra’iisal wasaare Abiy Ahmed...
Shirka Caalamiga ah ee Waxbarashada Sare oo uu Daah Furey Ra/wasare kuxigeenka Xukuumada Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta daah-furay shirka caalamiga ah ee waxbarashada sare oo diiradda lagu saarayo hannaanka waxbarashada sare ee bulshooyinka colaadaha kasoo kabanaya.
Shirkan oo sannadkiiba mar la qabto, qaban-qaabadiisana ay leedahay Jaamacadda ummadda Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirrada Waxbarashada...
Saraakiisha Canada ayaa aqoonsaday islamarkaana soo bandhigay magaca Ninkii habeennimadii Axadda toogashada ka geystay magaalada Toronto ee dalka Canada.
Qeybta baarita gaarka ah ee Ontario ayaa ku sheegtay magaca Ninkan toogashada geystay Faisal Hussain, 29 jir ahaan, iyaga oo sheegay in sababta magacan u sheeciyeen tahay kaddib markii ay ogaadeen...
Booliska dalka Itoobiya ayaa la wareegay lacago caddaan ah iyo hub, sida laga soo xigtay sarkaalka ugu sarreeya booliska dalka.
Howlgallo laga fuliyay gudaha iyo dibadda caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa ayaa la sheegay in lugu soo qabtey ku dhowaad $ 10 milyan oo doolar oo caddaan ah, iyo hub...


















