Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana ka mid ahaa wafdiggii madaxweynaha ee tagan magaalada Asmara ayaa ka jawaabay buuqa iyo khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhashay baaqii madaxweyne Farmaajo ee ahaa in cunaqabateynta laga qaado Eritrea.
‘’Aniga waan hortaagnaa markii uu madaxweyne Farmaajo khudbadaa jeedinayay, marnaba...
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo maalintii shalay gaaray magaalada Beledweyne ayaa soo hadal qaday xurgufta diblomaasiyadeed ee soo kala dhax-galay dowladdaha Jabuuti iyo Soomaaliya.
Madaxweyne Waare ayaa sheegay in isaga iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo u tageen magaalada Beledweyne ka qeybgalka kala wareejinta cutubyo ka tirsan ciidamada...
Booliiska Sweden ayaa toogasho ku dilay wiil qori macmal ah ku dhex watay magaalada Stockholm, wiilkaas ayaa ahaa dadka baahiyaha gaarka ah qaba, waxaana hayay nooc ka mid ah xannuunka Autism, sida ay ku warrantay warbaahinta dalkaas.
Booliiska ayaa rasaas ku furay Eric Torell oo 20 jir ah, iyaga oo...
Wasiirka arrimaha dibedda dalka Turkiga, Mevlut Cavusoglu ayaa dhiggiisa Maraykanka , Mike Pompeo kula kulmay Maanta oo Jimca ah Dalka Singapore , sida laga soo xigtay Ilo wareedka ku dhow kulanka.
Kulanka Labada masuul ayaa dhacay markii ay isku arkeen shirka Ururka iskaashiga waddamada Koofur Bari Eeshiya oo halkaasi ka...
Shirkii Golaha Wasiiradda ee maalintii shalay ka dhacay magaalada Garoowe ayaa qodobadii leysku afgartay waxaa ka mid ahaa sii deynta Boqolaal Maxaabiis ah ku xir xiran deegaannada Puntland, kuwaa oo loo heysto arrimo burcad badeednimo ah.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya...
Inta la xaqiijinayo Labo ruux oo rayid ah ayuu dhaawac ka soo gaaray tiro madaafiic ah xalay lagu tuuray qeybo ka mid ah degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka degmada oo warbaahinta la hadlay.
Dadka dhaawacmay ayaa kala ahaa Oday da’ah iyo...
Qaraxan oo dhacay fiidkii hore ee caawa ayaa waxaa la sheegayaa in qof walxaha qarxa ku xirnaayeen uu beegsaday gaari ay saaraayeen mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulka Khaatumo garabka loogu yeero Badbaado Khaatumo.
Laba mas’uul ayaa wararka hor-dhaca ay sheegayaan in ay dhinteen in kasta oo aanay jirin cid xaqiijin karta...
War qoraal ah oo ka soo baxay safaarada Jabuuti ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Jabuuti siweyn uga naxday hadal uu dhawaan madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka sheegay magaalada Asmara oo ahaa in cunaqabateynta laga qaado dalka Eritrea.
Waxaa lagu sheegay qoraalka in dowladda Jabuuti siweyn...
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo booqasho ku jooga Puntland ayaa dhaleeceyn kala kulmey qaar ka mid ah isimada iyo siyaasiyiinta Puntland oo ku dhaliilay ra'iisul wasaaraha in uusan ka qeybgalin munaaasabadda lugu casuumay ee shalay lugu dhagax-dhigay dekedda Garacad iyo waddo laami oo isku xireysa deegaanka iyo...
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibeda dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo Qoraal kooban soo dhigay boggiisa Twitter-ka ayaa wax-ba kama jiraan ku tilmaamay warar soo baxayay oo sheegaya in madaxweynaha Jabuuti booqanayo dhawaan dalka Eritrea.
Wasiirka ayaa ku tilmaamay wararka ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta kuwo aan waxba ka...


















