Sunday, August 23, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Saraakiisha Amaanka dalka Kenya ayaa sheegay in uu socdo qorsheo dhalinyarada xuduuda Kenya iyo Soomaaliya ku nool ay kaga wacyi gelinayaan ku biirida Ururka Al Shabaab. Gaar ahaan qorshan cusub ayaa beegsanaya dhalinyarada si ay uga dhaadhiciyaan sidii aysan ugu biiri laheyn Al Shabaab oo ay sheegeen inay dhibaatooyin badan...
Iyadoo maalmihii ugu danbeeyay-ba xafiiska hanti-dhowrka guud ee dowladda Soomaaliya uu ku howlanaa daba-gal lagu sameynayo hay’addaha iyo mas’uuliyiinta dowladda oo qaarkood hadda xabsiga loo dhigay arrimo musuq-maasuq la xiriira ayaa sheegay in isla xisaabtanku gaari doono xafiis-yada madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha dalka. Maxamed Maxamuud Cali Afgooye hanti-dhowraha Qaranka oo...
Ra’iisal Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xarunta taliska booliiska Soomaaliyeed kula shiray wasiirka amniga, dhammaan hay’adaha garsoorka, guddoomiyaha maxkamadda sare, xeer ilaalinta, garyaqaanka, guddoomiyaha gobalka Banaadir, taliyaha ciidamada Asluubta iyo dhammaan taliyaasha cadaaladda iyo garsoorka, taliyaha booliiska Soomaaliyeed iyo taliyaha booliiska gobalka Banaadir. Shirkan oo billaaw...
Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa bisha soo socota isugu imaanaya shir degdeg ah, kaasoo ka dhici doona magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland. Qoraalka uu ku saxiixnaa guddoomiyaha Golaha madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas ayaa lagu marti-qaaday madaxweynayaasha ku jira golaha in ay ka soo...
  Tirada muslimiinta caalamka ka timid ee ku sugan magaalada barakaysan ee Maka ayaa lagu qiyaasay 2 milyan oo qof si ay u gutaan waajibaadka xajka, waxaana maanta bilaabmay howsha gudashada acmaasha xajka. Xajka sannadkan ayaa imaanaya xilli dowladda Sucuudiga ay isku dayayso inay dhaqan geliso qorshahaha isbaddalada ah ee dalkaasi...
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaran Xaliimo Ismaaciil (Xaliima Yareey) ayaa ku dhawaaqday in ay bilaabeen howsha soo buuxinta saddex kursi oo ka banaan Golaha Shacabka oo lagu dooranayo Baydhabo iyo Dhuusa-mareeb. Waxaa ay sheegtay in Kursaatan loo tartamayo labo ka mid ah doorashadooda ka dhici doonto magaalada Baydhabo, waxaana ka mid...
  Madaxweynaha dalka Masar,Abdel Fattah al-Sisi, ayaa saxiixay sharci lagu adkeynayo xakamaynta adeegyada internetka dalkaasi. Xukuumadda dalkaasi ayaa sheegtay in tallaabooyiinkan looga gol leeyahay in lagu xaliyo xasilooni darada iyo argagixisada. Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay dowladda in ay isku dayayso in ay aamusiiso dadka siyaasad ahaan ka soo...
Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa markii ugu horeysay ka hadashay weerarada ciidamada Kenya ku hayaan xarumaha shirkadda Is-gaarsiinta Hormuud ku laheyd gobolada Gedo iyo Jubbooyinka. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in marar badan oo hore dowladda Soomaaliya kala hadleen falalka ciidamada Kenya kula kacayaan xarumaha shirkaddaha Is-gaarsiinta Hormuud ee gobollada...
Kenya ayaa sheegtay in ay baareyso saddex qof oo lagu tuhmaayo in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaliya. Saraakiisha dowladda Kenya oo faah faahin ka bixiyay arrintan ayaa sheegay in ay saddexda ruux laga soo qabtay Wadooyi Bari ee dalka Kenya kaddib markii lagu...
Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay xariga 10 xubnood oo ka tirsanaa howlwadeennadii dekedda Muqdisho oo ku eedeysan musuq-maasuq iyo xatooyo xoolo dad-weyne. Dadka la soo xir xiray oo isugu jiray mas’uuliyiin iyo qaar ka mid ah ciidamada ilaalada canshuuraha dekedda ayaa xabsiga la oo dhiggay kaddib...