Sunday, August 23, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudne Xasan Cali khayre oo wakiil ka ah madaxweynaha jamhuuriyadda, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa darajada Sarreeye Guuto u xiray Zakiya Xuseen Axmed oo noqotay gabadhii ugu horreysay ee darajadaas ka gaarta ciidanka Soomaaliya. Ra’iisul wasaaraha ayaa haweenka Soomaaliyeed ku bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ee...
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo xafiiskiisa kula kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa warbixin ka siiyey Waxqabadka maamulka Gobolka ee lixdii bilood ee la soo dhaafay. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay dar-dar gelinayeen...
  Guddoomiyaha maxkamada sare Baashi Yuusuf Axmed ee dalka oo wareysi siinayay warbaahinta ayaa sheegay in la dhisayo Golaha adeegga Garsoorka dalka oo la kala diray sanadkii 2015ka, wixii ka danbeeyay waqtigaanna aan shaqeyn. Madaxweynihii hore ee dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa wareeg-to uu soo saaray ku kala diray golihii...
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo magaalada Addis Ababa kula kulmay warbaahinta gudaha dalkaasi Itoobiya ayaa soo hadal qaaday waxa laga yeelayo arinta madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxa’uud Cumar hadda ku jira gacanta hay’addaha Amniga. ‘’Arintaa waxaa ay u taallaa laamaha cadaallada waxa laga yeelayo Cabdi...
Dowladda Soomaaliya ayaa fariin digniin ah u dirtay ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliiska ee caadeystay sida ay hadalka u dhigtay in ay dad-weynaha ka qaadaan lacago sharci darro ah. Taliye ku-xigeen-ka hay’adda danbi-baarista Bashiir Nuur Geedi ayaa sheegay in ay jiraan askar caadeystay in hubka iyo muuqaalka ciidamada...
                  Hoggaamiyaha mucaaradka Ruushka Alexei Navalny ayaa lagu xiray magaalada Moscow ee caasimadda Ruushka. Xarigiisa ayaa ku soo beegmaya laba bilood ka dib markii xabsi laga sii daayay, waqtigaasi oo lagu eedeeyay in uu abaabulayay bannaabxayo looga soo horjeedo maamulka madaxweyne Putin. Afhayeen uhadlay hogaamiyaha mucaaradka ruushka ayaa sheegay in aanay caddayn...
Taliye ku-xigeenka hay’adda danbi-baarista dowladda Soomaaliya Bashiir Nuur Geedo oo maanta warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la xiray ku dhawaad 28 ruux oo isugu jira saraakiil iyo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ‘’Waxaan rabaa in aan halkan ka cadeeyo waxaa jira xabsiga dhexe ee dalka 28 ruux...
Qaramada Midoobey ayaa ku eedeeysay xulufada uu horkacayo Sacuudiga ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yemen duqeyn ku dileen 22 carruur ah iyo afar dumar ah. Mark Lowcock oo ah madaxa gargaar u qaabilsan Qaramada Midoobey dalka Yemen ayaa sheegay in dadka la dilay ay duqeymuhu halleeleen iyaga oo isku dayay...
Xiriirkii Internet –ka deegaannada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa dib u soo noqday, gaar ahaan magaalada Jigjiga sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka. Qof ka mid ah dadka degan magaalada Jigjiga ayaa u sheegay wakaallada wararka China Xinhua in galab-nimadii Jimcaha shalay dib loo helay adeegii Internetka guud ahaa dhulka...
Wafdigan Mareykanka ka socday ee gaaray Arbacadii ina dhaaftay ee todobaad hore magaalada Addis Ababa waxaa hoggaaminayay Xildhibaan Christopher Smith, iyaga oo kulan Khamiistii ay la yeesheen ra’iisal wasaaraha Itoobiya kala hadlay dib –u-habeyn lagu sameeyo siyaasada la xiriirta dhowrista Xuquuqda Aadanaha. Isaga oo la hadlay warbaahinta ayuu Christopher Smith...