Sunday, August 23, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Waxaa soo ifbaxaya khilaaf xoogan oo u dhaxeeya mas’uuliyiinta qaar ka mid ah maamuladdii ku shiray Kismaayo ee Sabtidii aynu soo dhaafnay ku dhawaaqay in ay xiriirka u jareen dowladda dhexe ee federaalka. Hoggaamiyayasha Hirshabeele iyo Galmudug oo ah labada maamul ee ugu da’yar guud ahaan marka la eego dowlad...
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres, ayaa soo dhoweeyay booqashada maalmo ka hor ay dalka Jabuuti ku tageen Wasiirada arrimaha dibedda ee Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya, wuxuuna ugu yeeray “tallaabo kale oo muhiim ah” oo ku saabsan dalalka Geeska Afrika. War saxaafadeed uu soo saaray afhayeen Stephane Dujarric, Guterres...
War deg deg ah oo ka soo baxay guddiga joogtada ah ee Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa looga hadlay xaalada guud ee dalka amniga, siyaasada iyo waliba sababihii keenay in ay ka baaqdaan ka qeybgalka furitaanka Kalfadhiggii Afaraad ee Golaha Shacabka. Guddiga ayaa ugu horeyn ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo furay kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay dadkii rayidka ahaa iyo askartii ku shahiiday falkii argagixisanimo ee saaka ka dhacay Xarunta Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho. Madaxwaynaha ayaa khudbad uu u jeediyey Xildhibaannada Golaha Shacabka waxa...
Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay ka qeybgalka munaasabada furitaanka Kalfadhiggii Afaraad ee Golaha Shacabka oo xiligan-ka socta xarunta Jen Kaajiye ee magaalada Muqdisho. Qaar ka mid ah senator-ada Aqalka Sare ayaa inoo sheegay in kalfadhigooda aanu maanta furmi doonin, isla markaana maalinta berri uu furmi doono. Labadii...
Gabi ahaan-ba waxaa bur buray xaruntii degmada Hodan kaddib weerar ismiidaamin oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo barkhanimadii maanta lagu qaaday xarunta degmada. Warar hor dhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in tiro ka badan 5 ruux ay ku dhinteen qaraxan, sidoo kale gaadiidka gurmadka...
Wararka ka imanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in tiro dad ah ay ku dhinteen dagaal xooggan oo ka dhacay agagaarka magaalada dekadda leh ee ay Xuutiyiinta haystaan ee Hodeida. Ila wareedyo laga helayo xarumaha caafimaadka ayaa laga soo xigtay in dagaalkan lagu dilay in ka badan 70 ka tirsan mucaaradka...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta oo Isniin ah si rasmi ah u furaya kalfadhiga Afaraad ee Baarlamaanka Golaha Shacabka. Sida uu qabo Dastuurka Soomaaliya madaxweynaha ayaa furaya Kalfadhi kasta oo ay yeelanayaan Golayaasha Baarlamaanka dalka. Kulankan waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed...
  Ra’iisal wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha oo lagu samaynayo dib-u-dhis ballaaran. Sanduuqa horumarinta dawladda Qatar ayaa maal-gelinaya dhismaha iyo dayactirka lagu samaynayo wasaaradda qorshaynta, arintaas oo qayb ka ah heshiis ay horay u wada saxiixeen labada dawladood...
Inta la xaqiijinayo 17 ruux ayaa ku dhimatay Axadii maanta kaddib markii  ay bur burtay diyaarad ka anbabaxday Garoonka diyaaradaha magaalada Jubba ee dalka Koonfurta Sudan kuna sii jeeday magaalada lagu magacaabo Yirol. Saddex ruux ayaa la sheegay in laga soo badbaadiyay diyaaradaha, halka labo ruux kalana la la-yahay, dadka...