Wargayska The Guardian ayaa qoray maqaal uu kaga hadlayo ciidamo Maraykan iyo Soomali isugu jiray oo u dhacay guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ”ayagoo ay dhici karto inay ku socdeen xog sirdoon oo khaldan”.
Wuxuu sheegay in ciidankii guriga jabiyey uu la socday ugu yaraan “hal qof oo ajnabi ah”.
Mid...
Wakiilka gaar ah ee xoghayaha guud eeQaramada Midoobay u qaaabilsan Soomaaliya Michael Keating oo xilku ka sii dhammaanayo ayaa ka hadlay mashkaladaha siyaasadeed ee ka jira dalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in mustaqbalka Soomaaliya uu ku jiro gacanta Soomaalida, loona baahan yahay inay si wadajir ah u wada shaqeeyaan.
Keating...
Wararka naga soo gaaraya degmada Dhuusa-Mareeb ayaa sheegaya in xildhibaanno halkaa fadhi ku yeeshay xilkii ka qaadeen guddoomiyihii baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo ku sugan magaalada Muqdisho.
Xildhibaanno tiradooda lagu sheegay 147 oo kulan ku yeeshay magaalada Dhuus-Mareeb ayaa 146 ka mid ah waxaa ay u codeeyeen in codka...
Mucaaradka iyo Dawladda Koonfurta Sudan oo Heshiis ku Kala Saxiixday Addis Ababa Caasimada Itoobiya.
Dowladda iyo Mucaaradka Koonfurta Sudan ayaa heshiis kama danbeys ah ku kala saxiixday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo lagu soo gabagabeeyay shirkii Urur gobolleedka IGAD.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadisay heshiiska rasmiga ah ee ay gaareen dhinacyadii isku hayay Sudanta Koonfureed, kaddib shir aan caadi ahayn oo hal...
Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Mudane Max’ed C/laahi Salaad (Oomaar) oo ay wehlinayeen ku simaha agaasimaha hay’adda Duulista hawada Mudane Axmed Macallim Xasan iyo agaasimaha guud ee waaxda Dakhliga wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Mudane Jacfar Max’ed Axmed ayaa kulan la qaatay madax ka tirsan hay'adda duulista hawada ee...
Sida muuqata waxaa dib u dhac uu ku yimid dib ugu soo laabashadii xubin-nimada Urur gobolleedka IGAD ee dowladd Eritrea, iyadoo aysan iman shirka Addis Ababa wafdi ka socda xukuumadda Asmara.
Sidoo kale waxaa shirka ka soo muuqan madaxweyne Isaias Afwerki oo markii hore la saadaalinayay in uu tagi doono...
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guturres ayaa si rasmi ah ugu magacaabay Nicholas Haysom in uu noqdo ergeyga gaar ah ee QM u qaabisan Soomaliya isaga oo badali doono ergeygii hore Michael Keating .
Ergeygan cusub Nicholas Haysom ayaa u dhashay dalka Koonfur Africa waxaa la sheegay in uu...
Qoraal laga soo saaray kulan maanta magaalada Muqdisho ay ku yeesheen xubnaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa sheegay in uu bilaabayo goluhu socdaal xal doon ah oo la doonayo in leysugu soo dhaweeyo maamul gobolleedyada iyo dowladda dhexe oo khilaaf xoogan uu soo kala dhax-galay.
Sidoo kale aqalka sare ayaa...
Eritrea ayaa hadda u muuqata in ay soo ceshaneyso xubin-nimadii Urur gobolleedka IGAD, iyadoo maanta madaxweyneIsaias Afwerki uu ka soo muuqan doono shirka Ururkan uga furmaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Shirka ayaa sidoo kala lagu wadaa in lagu ansixiyo si rasmi ah xubin-nimada Eritrea iyadoo dhanka kalana lagu gurfeyn...
Garoonkii diyaaradeed ee kali ahaa ee ka shaqaynayay caasimadda dalka Liibiya ee Tripoli ayaa duulimaadyadii meel kale u weeciyay ka dib markii gantaallo lagu weeraray.
Ma jiraan dhimasho ama burbur kale oo durba la soo sheegay in ay gantaalladaasi ka gaysteen garoonka diyaaradaha ee Mitiga International Airport ka dib weerarkii...


















