Suheyr Qarane Faarax oo 11 jir ah ayaa u geeryootay qaliinka gudniinka Fircooniga ah degmada Galdogob ee gobolka Mudug ,waa gabadhii saddexaad oo muddo toddobaad ah qaliinka ugu geeryooneysa gudaha Puntland.
Gabadha geeryootay iyo walaasheed Samsam oo 7 jir ah ayaa 17 cisho ka hor waxaa lugu sameeyay qaliinka gudniinka...
War Qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarradda arrimaha gudaha iyo federaalka dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladdu si dhaw ula socon doonto ilaalinta nidaamka federaaleynta, dhanka kalana waxaa ay ku baaqday in doorashooyinka ku soo foolka leh maamulada dalka ku qabsoomaan waqtiggii loogu talagalay.
Warka ka soo baxay...
Ra'iisul wasaaraha xukuummadda federaalka ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in barnaamijka is-xilqaan uu fursad wanaagsan u yahay dib u dhiska dalka iyo wanaajinta dhaxalka jiilka soo koraya.
Ra’iisul wasaare Khayre ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in hantidooda iyo waqtigooda ay ku bixiyaan barnaamijka is-xilqaan si dib loogu dhiso...
Magaalo xeebeedka Wilmington ee gobolka North Carolina ayaa gabi ahaanba ka go’day gobolka intiisa kale, waxaana arrintaas sababay daadadka ka sii daraya.
Masuuliyiinta ayaa sheegay in dhammaan waddooyinka gala iyo kuwa ka baxa aan la adeegsan karin, dadkii la daad gureeyayna waxaa loo sheegay in ay deegaannadaas isaga dheeraadaan.
Wararka halkaas...
Qaar ka mida xildhibaanada Aqalka sare ee loo xilsaaray xallinta khilaafka ka dhex jira maamul gobolleedyada iyo dowladda dhaxe ayaa u ambabaxay goor dhow magaalada Baydhabo ee dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed.
Wafigan oo uu hoggaaminayo Senator Cabdullaahi Cali Garuun, ayaa waxaa ka mid ah Senator Xuseen Xaaji Cali,Senator Sam Sam Ibraahim Cali,Senator...
Illaa saddex mashruuc ayaa dhismahooda uu ka socda magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana mashaariicda ay ku dhismayaan isku-tashi bulsho, sida ay mas'uuliyiinta sheegeen.
Mashaariicda socda ee bulshada ay dooneyso isku-tashi inay ku dhisaan waxaa ka mid ah isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo, garoonka kubadda cagta ee Cawaale stadium...
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lugu wadaa in ay maanta dood ka yeeshan amniga caasimadda Muqdisho, sida u xaqiijiyay xildhibaan la hadlay Warbaahinta Warsom.
Kulan Baarlamaanka oo noqonaya kulanka labaad ee kalfadhiga afaraad ayaa xildhibaannada waxaa farriin qoraaleed lugu wargaliyay ajandaha kulanka Isniinta maanta ah oo noqonaya ka doodista xaaladda amniga ee...
Wararka ka imanaya magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in kooxo burcad South African ah toogasho ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo waqtigaa ku sugnaa goobtiisa ganacsi deegaanka Phillippi.
Muwaadinka Soomaaliyeed ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Yuusuf Xusseen Koonfuroow oo waqtigaa ku sugnaa sida ay warbaahinta...
Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa galinkii dambe ee Axaddii shalay gaaray magaalada Jeddah ee dalka Sacuudi Carabiya , saacado yar kaddib markii heshiis nabadeed ay ku kala saxiixdeen magaalada Jeddah madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki iyo ra'iisul wasaaraha Itoobiya.
Horey looma sii sheegin booqashada uu dalka Sacuudi Carabiya...
Dib u dhac ayaa ku yimid shirkii wadatashiga ahaa ee uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada, kaa oo uu qorshuhu ahaa in 17ka bishan oo maanta ku beegan ka furmo magaalada Muqdisho.
Dib u dhacay ayaa loo sababeynayaa kadib markii madaxda maamul goboleedyada dalbadeen in...


















