Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in Soomaaliya ay dibadda wax u dhoofin doonto,arrinta oo qayb ka ah dadaallada ay mar kale Soomaaliya ku dooneyso inay isku filnaato,sida u sheegay.
"Horumar ballaaran oo dhinaca Ganacsiga Soomaaliya ayaa jira iyo qorshooyin ay haatan wado Wasaaradda Ganacsiga...
Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) iyo dhiggiisa dalka Sacuudi Carabiya Nabeel Al Amoudi ayaa magaalada xarunta ah ee Riyadh ku kala saxiixdeen heshiis lagu xoojinayo wax wada qabsi dhinaca duulimaadyada labada dal ee Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya.
"Heshiiska wuxuu qayb ka yahay dadaallada aan ku...
Ergeyga cusub ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u soo magacaabay Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.
Wiilka cusub ayaa xafiiska kala wareegay ergeygii hore ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Michael Keating, waxaana ergeyga cusub imaashihiisa uu ku soo beegmay xili dalka uu ku jiro marxalad xasaasi...
Shaqo joojintan ay maanta sameeyeen shaqaalaha hagista diyaaradaha garoonka Aadan Cadde (Air Marshal) ee magaalada Muqdisho ayaa ka salka ku heysa khilaaf muddo dheerba soo jiitamayay oo u dhexeeyay shirkad maamusha garoonka iyo shaqaalaha Soomaalida ah.
Tallaabadan ay qaadeen shaqaalaha ayaa saameyn ku yeelatay howlihii garoonka iyo waliba adeegyadii kala duwanaa...
Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa maanta kormeer ku tagay iskuulka Jabuuti oo ka mid ah iskuulladii dhawaan ay la soo wareegtay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda federaalka Soomaaliya.
Kormeerkan ayaa waxaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ku wehelinayay wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle iyo xubno kale oo ka tirsan...
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qayb-galay fadhigii Baarlamaanka oo la filayo in lugu soo gabagabeeyo doodda xeer hoosaadka Baarlamaanka oo maalmihii la soo dhaafay Xildhibaannada ka doodayeen.
Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud,waxaa lugu wadaa inuu khudbad ka jeediyo fadhiga Baarlamaanka.
Xasan Sheekh oo soo noqday madaxweynihii 8aad ee...
Xukuumadda dalka Iiraan ayaa xasuusisay Marekanka inay diyaar u yihiin wada-hadallo dib loo billaabo,kaddib markii uu Marekanka ka baxay heshiiskii Nukliyeerka Iiraan ee sanadkii 2015-kii.
Iiraan waxaa ay shaki-galisay sida loogu kalsoonan karo madaxweynaha Marekanka Donald Trump,balse wasiirka arrimaha dibadda Iiraan , Javad Zarif wuxuu qabaa in wax kasta ay...
Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Deeqa Yaasiin ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka Talaadadii ku saxiixday ka mid noqoshada Soomaaliya ee Qaraarka Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Dadka Naafada ah.
Soomaaliya ayaa noqoneysa dalka 178-aad ee saxiixa Qaraarka Qaramada Midoobay ee Xaquuqda Dadka Naafada...
Waxaa durbaba soo ifbaxaya khilaaf dhinaca maaliyada ah oo soo kala dhaxgalay guddoomiyahay dhawaantan la magacaabay ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Daba-Geed iyo maamulka maaliyada Hirshabeelle ee gobolka Hiiraan.
Warbaahinta oo arintan u kuur-gashay ayaa ogaatay in galinkii danbe ee shalay guddoomiyaha gobolka uu xabsiga u taxaabay dhamaanba shaqaalihii...
Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay sheegtay in ay gacan militari siineyso dadka is abaabulay ee dagaalama xoogagga Al-shabaab kaddib markii labadii maalmood ee la soo dhaafay qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha dhexe ka dhaceen dagaalo dhaxmray dad reer miyi ah oo iskood isku abaabulay iyo Al-shabaab.
Taliyaha ciidamada...


















