Dowladda Soomaaliya ayaa ka codsatay mar kale maamul gobolleed-yada in ay soo gudbiyaan xisaab celinta iyo sida loo isticmaalay dhaqaalaha ay dowladda ku deeqdo maamul gobolleedyada, waxaana uu codsiga imanaya xili wali labada dhinac aysan isku wanaagsaneyn.
Maamul gobolleedka Puntland ayaa noqonaya maamulkii ugu horeeyay ee ka jawaaba codsiga dowladda,...
Golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada ayaa goor dhow war-murtiyeed ka soo saaray shir saddex maalin uga socday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.
War-murtiyeedka shirka oo 15 qodob ka kooban , ayaa waxaa ku cusub dowlad-gobolleedyada inay ku midoobeen xisbi siyaasadeed cusub, waxaa kalo markii ugu horreeysay ay shaaciyeen maamul-gobolleedyada inay dhisayaan ciidamo...
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer ku tagay xarumaha Maxkamadda Sare, Racfaanka iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dowladdu ay xoogga saarayso sidii loo dardargelin lahaa dhammeystirka hay’adaha garsoor dalka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdu ay dadaal ku bixinayso sidii garsooreyaasha dalku ay u heli lahaayeen xuquuq dhammaystiran,...
Dalka Itoobiya ayaa markii ugu horreeysay waxaa madaxweyne ka noqotay haweeney, kaddib markii uu xilka iska casilay madaxweynihii hore.
Xildhibaannada labada gole ee dalka Itoobiya ayaa fadhi uu yeeshay, waxaa ay madaxweynaha dowladda federaalka ah ee dalka Itoobiya u doorteen, Sahlework Zewdie, iyadoo noqotay qofkii ugu horreeyay ee dumar ah...
Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay wareegto lagu baabi’nayo dhammaan Shahaadooyinkii diiwaan gelinta Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Kalluumeysiga ee sita Calanka Soomaaliya.
Wareegtada ka soo baxday wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidan u qorneyd:-
“Iyaddoo laga ambaqaadayo dardar-gelinta waajibaadka shaqo...
Wararka laga helayo shirka madasha wada-tashiga ee hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada uga socda magaalada Garoowe ayaa sheegaya inuu jiro khilaaf u dhaxeeya hoggaamiyayaasha, kaas oo salka ku haya wada xaajoodka dowladda federaalka.
Ilo ku dhow shirka oo la hadlay Hiiraan Online, ayaa xaqiijiyay in madaxda ay ku kala aragti duwanyihiin sida loo...
Itoobiya ayaa sheegtay iney sanadka 2019-ka ay marki ugu horreysay hawada sare ay u diresyo dayax-gacmeedki ugu horreeyey oo ay yeelato.
Warkan oo aan ka soo xigannay xafiiska isgaarsiinta ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya sameynta dayax-gacmeedka Itoobiya iney iska kaashadeen Khubaro ka kala socday Itoobiya iyo Shiinaha.
Madaxa machadka teknooljiyadaha hawada...
Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in aan la oglaan doonin wixii ka danbeeyay 12 habeennimo in lagu caweeyo hoteellada iyo maqaayadaha ku yaala xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Yariisoow ayaa sheegay in ay jiraan falal ka baxsan Diinta Islaamka iyo anshaxa suuban oo ka dhacay Xeebta Liido,...
Madaxda Xisbiyada Siyaasadda Dalka ayaa Maanta Baaq Nabadeed U Diray Dadka Walaalaha ah ee Ku Dagaalamaya Gobolka Sool Taas oo ah Bay Yiraahdeen Nasiib Darro Aad u wayn iyo Wax Laga Xumaado In Dad Walaalo ah ay Maanta Islaayaan iskuna Laayaan Wax aan Micno Ku Fadhin iyagoo Madaxda Xisbiyadu...
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay jawaabta Sacuudi Carabiya ay ka bixisay dilka wariye Jamal Khaashuqji ay tahay “qarinti abid ugu xumeyd oo lagu qariyo fal dil oo dhacay.”
Wuxuuna intaa ku daray cid walba oo falkaasi foosha xun soo maleegtay kana dambeeysay “cawaaqib xun la kulmi doonto”
Wasiirka arrimaha dibadda...


















