Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Amb. Mehmet Yilmaz oo ka socda dalka Turkiga oo booqasho ku yimid Somaliland.
Kulankan, ayaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee u dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Turkiga iyo ballaadhinta mashaariicda horumarineed ee ay Turkigu ka wadaan gudaha...
Militariga dalka Gabon ayaa saacadihii hore ee maanta ku dhawaaqay in ay la wareegeen tallada dalka xili madaxweynihii dalkaasi Cali Bongo uu muddo ka badan Labo cisho dalka dibedda uga maqan yahay.
Laakiin wararkii ugu danbeeyay ee soo baxaya ayaa sheegaya in Afganbigaasi noqon mid hergala oo waxaa xabsiga loo...
Maxkamada ciidamada qalabka sida dowladda Soomaaliya ayaa saakay xukun toogasho ah ku fulisay labo dhalinyarro ah oo ku eedeysnaa in ay horay u dileen nabaddoon.
Dhalinyarrada xukunka dilka ah lagu fuliyay oo lagu kala magacaabi jiray Cabdiraxman Ciise Cali Fiidow iyo Xasan Cali Xasan Keerow ayaa ku eedeysnaa in ay...
Baarlamaanka dowlad gobolleedka Puntland ayaa maanta dhageysanaya khudbadaha musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo lagu waddo in maalinta berri ah la doorto.
Guddiga doorashada ayaa maalintii shalay sheegay in 21 musharax isku soo taageen ka qeybgalka doorashada madaxweynaha halka 11 musharax kalana ku tartami doonaan xilka madaxweyne ku-xigeenka.
Maalinta...
Xubno uu Horkacayo Commissioner C/raxmaan Dheere ayna Wehiliyaan Madaxa Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadda Maxamuud Maxamed Xasan (Sandheere) iyo Avv. C/naasir ayaa Maanta waxa ay Kormeer Ku Tageen Xarumaha Xisbiyada Kala ah Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed,Xisbiga Midnimada iyo Caddaaladda (TIIR) iyo Xisbiga Wadajir Kuwaasoo Dhamaan ay ka Socdaan Hawl maalmeedkii...
Guddiga doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa goor dhow shaaciyay xubnaha ku tartamaya xilka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka.
Diiwaangelinta musharrixiinta waxa ay ku ekeyd shanta galabnimo ee Axadda galabta, waxaana ugu dambeyn la shaaciyay xubnaha musharrixiinta ee buuxiyay shuruuda isna diiwaangeliyay.
21 musharrax ayaa ku tartamaya xilka madaxweynaha oo...
Wasiirka Gaashaandhiga Eng:Ciise Xawar iyo taliyaha ciidanka Militeriga Somaliland Gen:Nuux Taani ayaa Somaliland ku soo dhoweeyey xoghayaha difaaca dawladda Ingiriiska Gavin Williamson oo maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Egal International Airport.
Wasiir Ciise Xawar ayaa sheegay in cid kasta oo wax wada qabsanayaan soo dhoweynayaan,isla markaana xoghayha difaaca...
Munaasabadan abaal marinta lagu guddoonsiinayay saraakiisha Booliska AMISOM gaar ahaan kuwooda ka socda dalka Nigeria ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,tasi oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo saraakiil kal eoo ka tirsan Booliska AMISOM
Saraakiisha Booliska AMISOM ee Nigeria oo ka howlgalo Soomaaliya ee...
Guddiga doorashooyinka DRC Congo ayaa shaaciyay in ay dib u dhigeen Shaacinta Natiijadda doorashadii dhawaan ka dhacay dalkaasi.
Iyada oo ay isa soo tarayaan baaqyada lagu doonayo in lagu shaaciyo natiijada doorashadii madaxtooyada ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo ka dhacday, ayaa saraakiishu sheegeen in aan maanta oo Axad ah lagu dhawaaqayn.
Gudoomiyaha...
Wararka ka imanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ka wadaan hwlgal ballaaran xaafaddaha degmadu ka kooban tahay.
Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in howlgalkan yimid kaddib markii ay degmadu ku noq noqdeen weerarrada lagu qaado saldhigyada Al-shabaab iyo dilalka qorsheysan ee degmada ka dhaca.
Qof...


















