Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa maanta waxaa ay xukun ku riday askari lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) ,kaasi oo loo heysto in uu dil u geystay Marxuum Dayax Iimaan Xasdan 21-ka bishii sagaalaad 2018, waxaa uuna dilkaasi ka dhacay aga-gaarka Seybiyaano degmada Hodan ee Gobalka Banaadir.
Ciidamada amniga ayaa...
Hay’adda UNHCR ayaa sheegtay in dowladda Canada aqbasha in ay magan-galyo siiso Raxaf Maxamed al-Qunun taasoo loo aqoonsaday in ay Qaxooti tahay kaddib markii ay ka soo baxsatay reerkeeda.
Raxaf Maxamed al-Qunun, oo ah 18-jir ayaa Isniintii diidday in ay raacdo diyaarad ka kicitimi laheyd Bangkok oo tegi laheyd Kuwayt,...
Xoghayaha Difaaca dalka UK Gavin Williamson ayaa lagu waramayaa in uu baajiyay safar uu ku iman lahaa magaalada Muqdisho iyo kulan lagu waday in uu la qaato madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida lagu daabacay Wargeyska Independent ee ka soo baxay dalka Britain.
Taa badalkeeda Gavin Williamson ayaa booqday magaalada Hargeysa...
Waxaa soo xirmay kalfadhigiii Afaraad ee Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Golaha Cabdi Xaanshi Cabdullaahi.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in kalfadhiga Afaraad uu xirmay, isagoo xusay in 10-ka bisha Maarso uu dib u furmi doono Kalfadhiga.
Go’aanka loo cuskaday soo xirida Kalfadhigan...
Askeri Dhaawac U Gaystey Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo Xabsiga La Dhigay.
Agaasimaha guud ee wasaarada Caafimaad Somaliland, Dr Maxamed Cabdi Xargeeye ayaa ku dhaawacmay rasaas uu ku furey askari ka tirsan ciidamadda Militeriga Somaliland.
Agaasimaha guud ee wasaarada Caafimaadka Dr:Xargeeye ayaa isku dayey inuu ka joojiyey askarigan oo guri sandaqad ah ka dhisanayey goob uu leeyahay dugsiga caafimaadka ee magaaladda Hargeysa.,...
Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed C/llaahi Tuulax ,oo ka hadlay dabka xalay ka kacay Suuqa Bakaaraha ayaa sheegay inhalkaasi ay ku baaba’day hanta badan oo ay lahaayeen Ganacsatada Soomaaliyeed.
Tuulax, oo la hadlayay warbaahinta ayaa intaa in ay ka maamul ahaan xakameeyeen dabka, kaas oo dhalin lahaa...
Suuqa Bakaaraha oo ah kan ugu weyn Soomaaliya dhinaca kalana ka mid ah xarumaha ganacsiga ugu ballaaran marka la eego Geeska Africa, ayaa waxaa xalay qabsaday dab aad u weyn oo looga soo gurmaday damintiisa qeybaha ay ka kooban tahay Muqdisho.
Dabkan oo markii hore ka bilaawday qeybta lagu iibiyo...
Wasaaradda Amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in la soo xiray sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo ka soo muuqday baraha bulshada isaga oo gacan ka hadal uu dhaxmarayo qof dumar ah.
Sarkaalka la xiray ayaa lagu magacaabaa Yuusuf Xundubeey, waxaana maalmihii ugu danbeeyay muuqaalkiisa lagu baahinayay baraha bulshada...
Madaxweynaha cusub ee Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta guddoomiyaha shirka golaha wasiirrada, iyadoo uu dhinac fadhiyay madaxweynaha xilka ka dagaya ee Cabdiweli Gaas.
Shirka waxaa kalo goobjoog u ahaa madaxweyne ku-xigeenka cusub,Axmed Cilmi Cismaan ( Axmed Karaash ) iyo madaxweyne ku-xigeenka xilka ka dagaya Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar (Camey).
Kulanka wasiirrada...
Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada KGS Mudane. C/qaadir Shariif Sheekhuna, Wasiiro, Xildhibaano iyo sayaasiyiin kale oo goordhow gaaray Magaalada Baraawe ee xarunta dowlad gobolleedka KGS ayaa soo dhoweyn diirran kadib booqasho ku tagay dhismaha Airport-ka cusub ee Baraawe.
Muhiimada safarka Madaxweynaha ayaa ah...


















