Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in ciidamada amaanka gacanta ku soo dhigay 18 ka bishaan oo maalinimadii shalay ku beegneed sarkaal sare oo ka tirsanaa Amniyaadka Al-shabaab.
Warkan oo ay hay’adda Nabad sugidda Qaranka ee NISA ku shaacisay boggeeda Twitter-ka, ayaa lagu yiri” Howlgal qorshaysan oo si...
Duhurnimadii shalay ayeey aheyd markii koox hubeysan rasaas ku fureen guddoomiyihiii dhalinyaradda degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo lagu magacaabi jiray Sakariye Hadaafoow, waxaana rasaasta lagu furay ka soo gaaray dhaawac culus.
Hasse ahaatee markii danbe ayuu marxuumku dhaawacii soo gaaray ugu geeriyooday mid ka mid ah Isbitaallada Muqdisho oo...
Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Kuwa Al-shabaab oo Dagaal Ku Dhexmarey Degmada Buurxakabo ee Gobolka Baay.
Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta uu dagaal xooggan uu dhex maray ciidamo Itoobiyaan ah iyo xoogagga Ururka Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa ka dhacay meel ku dhaw tuulada Deynuunaay oo u dhaxeysa Baydhabo iyo degmada Buur Hakaba ee gobolka Baay, kaddib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay jidka u galeen...
Taliska ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyay xariga Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda oo la sheegay in uu laaluush qaatay.
Afhayeenka ciidamada booliiska Khaasim Axmed Rooble oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Askariga uu ka soo muuqday baraha bulshada isaga oo lacag dhan $ 5 dollar ka...
Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa ansixiyay hindise sharciyeed u ogolaanayo qaxootiga ku nool dalkaasi inay helaan xuquuq dheeri ah.
Waxyaabaha ku xusan hindise-sharciyeedka waxaa kamid in dad qaxootiga ee ku nool xeryaha qaxootiga inay xaq u leeyihiin in dalkaasi laga shaqaaleysiiyo iyo in carruurtooda ay wax ka bartan Iskuulada dowladda.
Hindise Sharciyeedka...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Beydhabo kulan gaar ah kula qaatay madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Puntland Axmed Karaash oo halkaa u tagay ka qeybgalka munaasabadii caleemo saarka madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Hoos ahaan looma oga wax ay ka wada heleen madaxweyne Famraajo iyo ku-xigeenka madaxweynaha Puntland, hasse ahaatee waxaa xusid mudan...
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dib u dhigay safar ay gudoomiyaha aqalka Kongarees-ka maalmaha soo socda ku tegi lahayd magaalada Brussels iyo dalalka Afgaanistaan iyo Masar, waxaa uuna go'aankaasi sabab uga dhigay hakinta ku timid qayba ka mid ah adeegyadda dowladda.
"Waxaan hubaa in dib u dhigista xafladan xiriirka dadweynaha...
Dowladda Qatar ayaa ku wareejisay Wasaarradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya tiradii ugu badneyd gaadiidka dagaalka.
Ilaa 68 gaadiidka gaashaaman ah ayeey dowladda Qatar ku wareejisay dowladda Soomaaliya waxaa ay gaadiidkan ugu talagashay in ciidamada militariga dowladda Soomaaliya isticmaalaan xiliyada ay jiraan dagaallada.
Munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa gaadiidkaan waxaa lagu wareejiyay...
Dowladda Itoobiya ayaa Arbacadii Shalay ahayd sheegtay in ay dagaal kula jirto kooxo Hubeysan oo ay ku tilmaantay cadaw lid ku ah ammaanka, kuwaas oo qalalaasa ka wada Galbeedka Gobolka Oromiya.
Dowladda ayaa meesha ka saartay eedeymo kaga yimid mid ka mid ah shanta garab ee Jabhadda OLF, iyagoo xukuumadda...
Wafddi uu hoggaaminayo wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale oo ku sugan magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga ayaa la kulmay wasiirka arrimaha gudaha dalkasi Suleyman Soylu iyagoo ka wada hadlay arrimo badan oo ku saabsan xiriirka labada dhinaca.
“Waxaan xooga saaraynaa sidoo loo adkeyn lahaa xiriirka...


















