Boqortooyada Saudi Arabia ayaa markii ugu horeysay xil danjire-nimo u magacaawday qof dumar ah oo noqoneysa danjiraha Boqortooyada ee dalka Mareykanka, sida lagu shaaciyay digreeto ka soo baxday boqortooyo.
Riima Bint Bandar ayaa noqoneysa danjiraha Sacudiga ee dalka Mareykanka waxaana muuqata in Sacuudigu arintan uga gon-leeyahay ugu yaraan in uu...
Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Sharmal El-Sheikh ee dalka Masar uu ka furmo shirka madaxda wadamada Carabta iyo midowga Yurub, waxaana shirkaa Soomaaliya uga qeybgalaya wafdi uu horkacayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed ciise Cawad oo ku sugan dalka Masar ayaa sheegay in shirkaasi...
Allaha U Naxariistee Waxaa Goor Dhaweyd Lagu Dilay Magaalada Muqdisho Ex Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo In Muddo ah Barlamaanka Soomaaliya Kamid ahaa,Waxaana Lagu Soo Waramayaa in Gurigiisa oo Ku Yiil Degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir.
Allaha U Naxariistee Cismaan Cilmi Boqore ayaa Mar Waxaa uu Soo Noqdey Gudoomiye Xigeenka...
Saraakiil u hadlay dowladda Burundi ayaa xaqiijiyay in khamiistii lasoo dhaafay 200 oo kamid ah ciidamadooda diyaarad Q. Midoobay leedahay looga qaaday magaalada Muqdisho islamarkaana laga dajiyay Bujumbura oo ah caasimadda Burundi.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamad Burundi ee dalka ka baxay qaar kamid ah laga qaaday degmada Cadale...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Masar si ay uga qayb-galaan Shir Madaxeedka dalalka Carabta iyo Midowga Yurub oo berri ka furmaya magaalada Sharma El-Sheikh.
Shir Madaxeedka dalalka Carabta iyo Midowga Yurub oo markii kowaad dalka Masar lagu qabanayo ayaa waxaa...
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa weerar afka ku qaaday dowladda Federalka Somaliya.
Xaaf oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ayaa wuxuu sheegay balamihii dowladda Somaliya ay wada galeen inaysan waxba ka soo bixin.
Wuxuu sheegay kulankii ugu dambeeyay ee Madaxweyne Farmaajo ay ku wada...
Xukunkaan ayaa dhacay shalay galab, kadib markii ay ku fuliyeen haweenayda lagu magacaabo Maryam Muxudiin Maxamed 100 Jeedal ah.
Dadweyne badan ayaa daawanaayay goobta fagaaraha ah ee haweenaydaan xukunka lagula fuliyay, waxaana Xukunka ku dhawaaqay Qaadiga Shabaab Ee Degmada Kamsuuma ee Gobolka Jubbada hoose.
Qaadiga Maxkamadda ayaa sheegay haweenayda inay qiratay...
Ciidamada ammaanka dowladda ayaa saaka xiray qaar ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho, iyadoo dadka shacabka ee shaqooyinka u socda ay yihiin kuwa lugeynaya wadooyinka waaweyn ee Magaalada.
Ciidamada Booliska ayaa lagu arkayaa wadooyinka iyaga oo celinaya gaadiidka dadweynaha, balse ogolaanaya kaliya gaadiidka Dowladda inay maraan wadada.
Wadooyinka xiran waxaa ka...
Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ka qayb galay maanta munaasabadda xuska 49-aad ee aasaaska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa xarigga ka jaray xabsiga guud ee Muqdisho iyo maxkamad casri ah oo laga hir-geliyay gudaha Taliska Guud ee Asluubta.
“Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed waxa ay la haayeen magac iyo...
Waxaa maanta lasoo gabagabaynayaa xuskii toddobaadka magaalooyinka oo muddo 7aad ah ka soconayay caasimadda degaanka ee Jigjiga.
Haddaba waxaa hoolka shirarka ee KAALI lagu qabtay xafladdii xidhitaanka xuska toddobaadka magaalooyinka, waxaana kasoo qayb galay madaxda dawladda degaanka usaraysa oo uu u horeeyo madaxwayne Mustafe Muxumed Cumar, waxaa sidoo kale kasoo...


















