Duqa magaalada Muqdisho ahna Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo goordhawayd shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo la gelinayo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Eng Yariisow ayaa shirkiisa jiraa’id ku sheegay in la bilaabayo howlgal saf ballaaran oo laga fulinayo...
Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Muuse Biixi ayaa Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax Guri barwaaqo oo ahaa wasiirkii warfaafinta iyo Ciise Axmed Xawar oo ahaa wasiirkii gaashaandhigga Somaliland xilalka looga qaaday iyadoona sidoo kale wareegtada xilka looga xayuubiyay wasiir kuxigeenkii wasaaradda Warfaafinta.
Xilka qaadista wasiiradan ayaa timid xili mudooyinkii dambe ay masuuliyiintan...
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta waxa uu xerada tababarka ciidanka xoogga dalka ee general Gordan ku kormeeray ciidamo qayb ka ah xoogga dalka oo loo diyaariyay ka qayb qaadashada howl-gal ka dhan ah Alshabaab.
Kormeerka Ra’iisul Wasaaraha uu ugu tegay ciidanka ayaa qorshihiisu ahaa la...
Kulan ay yeesheen Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federalka. Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen iyo Wasiirka Beeraha Itoobiya Mudane Cumar Xuseen, laguna qabtay magaalada Addis Ababa taariikhdu markeey ahayd 28 Maarso 2019-ka ayaa lagu kala saxiixday heshiis Is-Afgarad (MoU) oo ku saabsan iskaashiga iyo ka...
Isbedel ayaa lagu sameeyey qaab dhismeedka Ciidanka Xoogga Dalka, taasi oo loogu talo galay dar dar-gelinta howlaha Ciidanka Xoogga. waxaana Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed oo ahaa u qeybsanihii Milateriga ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Sacuudiga, loo magacaabay taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka.
Sidoo kale Abaanduulihii hore ee Ciidanka...
Nin Soomaali Lagu Tuhunsanaa In uu Dilay Xaaskiisa oo Lagu Magacaabi Jirey Muna Kuri Ayaa Boliska San Diego Waxa ay Maanta oo Jimca ah Shaaciyeen In Lagu Qabtey Dalka Banama,Iyadoona Wax Kale oo Faah Faahin ah aysan Dhiibin.
Ninkan Ayaa Sida Dad Xog ogaalihi Sheegeen Waxa Uu Aad U jeclaa...
Sacuudiga ayaa si ku meel gaar ah u sii daayay saddex dumar ah oo xuquuqda aadanaha u dooda ku waas oo ku eedaysan dacwado la xiriira u dhaqdhaqaaqidda xuquuqda iyo in ay xiriir la sameeyeen ajaaniib.
Labo ilood ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in la sii daayay saddex...
Dowladda Turkiga ayaa maanta diiday cadaadiska Mareykanka ee ku wajahan heshiiska ay ku iibsaneyso hubka difaaca gantaalaha Ruushka, waxayna sheegtay in Ankara ay ku guda jirto wada-hadlo lagu soo gaarsiinayo habkan oo lagu magacaabo S-400.
Madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan ayaa ka careysiiyey xulufada Turkiga ee NATO, gaar ahaan Mareykanka, kadib...
Booliiska magaalada ayaa baacsanaya nin la sheegay in uu mid kale ku tooriyayeeya masaajid ku yaala bartamaha magaalada London.
Ninka la tooriyeeyay, markii dambana u dhintay ayaa la sheegay in uu yahay 20 jir, waxana uu falka ka dhacay masaajidka Reben Park ee bartamaha London.
Nin lagu magacaabo Bahir Mowlana ayaa...
Gudoonka Barlamaanada Dawlad Goboleedyada oo Dhawaan Shir Uga Furmayo Caasimada Puntland ee Garoowe.
Xoghayaha Golaha Shacabka Soomaaliya Cabdikariin Xaaji Axmed Buux ayaa warbaahinta u sheegay in uu jiro shir dhawaan la filayo in magaalada Garoowe ku yeelan doonaan guddoomiyayaasha Baarlamaannada dowlad gobolleedyada dalka.
Wuxuu sheegay in shirkan uu noqon doono mid xog is dhaafsi iyo aqoon korarsi u badnaan doona, madaama ayuu yiri...


















