Dalalka Xubnaha Ka ah La Dagaalanka Burcadbadeeda oo Kenya U Doortey In ay Hugaamiso.

0
355

Kenya ayaa hoggaamin doonta dalalka ka tirsan guddiga ka talo bixiyo howlgallada ka dhanka ah burcad badeeda xeebaha dalka Soomaaliya, Kenya waxay hoggaan u heyn doontaa guddigan muddo labo sanno ah laga bilaabo bisha Janaayo ee sannadka soo socda.

Dalalka xubinta ah guddiga la dagaallanka burcad badeeda xeebaha Soomaaliya ayaa waxay u doorteen Kenya inay hoggaamiso dadallada caalamiga ah ee ilaalinta xeebaha si dusha loogala socdo dhaqdhaqaaqyada amniga .

Arrintan ayaa kusoo hagaagaysa xilli Kenya iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeya muran xooggan oo ku saabsan dhul badeed ku yaala Koonfurta Soomaaliya.

Waxay arrintan fursad u siineysaa Kenya inay horkici karto dalalka gobolka iyo caalamka sidii looga hortaggi lahaa burcad badeeda oo dhibaato ku hayay maraakiibta isaga kala goosho gobolka inkasta oo hadda ay aad hoos u dhaceen howlaha burcad badeeda ay ka fulin jireen xeebaha Soomaaliya.

Go’aanka lagu soo doortay Kenya waxaa uu ka dambeeyay markii dalalka xubinta ka ah ururka la dagaallanka burcad badeeda ay shir ku qabteen magaalada Balaclava ee dalka Mauritius, sida uu bartiisa Facebook kusoo qoray Ababu Namwamba oo ah wasiirka ku-xigeenka arrimaha dibadda ee Kenya.

Wasiirka gaashaandhigga Kenya,Raychelle Omamo oo ka hadleysay kulanka ka dhacay Mauritius ayaa waxay sheegtay in Kenya ay ka caawin doonto dhammaan waddamada ka tirsan ururka xiriirka la dagaalanka burcad baddeeda (CGPCS) sidii lagu xaqiijin lahaa in laga dhabeeyo dadaallada caalamiga ah ee lagu wiiqayo dhaqdhaqaaqyada burcad baddeeda xeebaha Soomaaliya iyo sidii sare loogu qaadi lahaa amniga badaha iyadoo ay socdaan howlgallada lagu kormeerayo xeebaha.

Waxay sidoo kale ay sheegtay in Kenya ay dalalka gobolka la wadaagi doonto macluumaadka ku saabsan howlgallada iyo amniga xeebaha.

“Si loo helo barnaamijyo wax ku ool ah oo lagu ciribtirayo burcad badeeda, hoggaaminta Kenya ee guddiga (CGPCS) waxaa uu ka shaqeyn doonaa sidii uu sare ugu qaadi lahaa dadaalka uu sameeyay Mauritius iyo dalalkii ka horreeyay si loo ilaaliyo raadadka dhaxalgalka ah ee muujinayo horumarada lagu tallaabsaday” ayay tiri wasiirka gaashaandhigga Kenya.

Muranka dhanka badda ee u dhaxeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa in muddo ah soo jiitamayay, waxaana sannadkii 2015-tii ay dowladda Soomaaliya maxkamadda cadaaladda ee adduunka u gudbisay dacwad ka dhan ah Kenya.

Dacwad ku saabsan murankan ayaa hor taalla maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda(ICJ), taasoo laga dhuur sugayo iney dhageysato, ka dibna go’aan kasoo saarto.