Dad Rayid Falastiiniyiin ah oo Lagu Dilay Xadka Waqooyiga Marinka Gaza ee Isra’iil Haysato.

0
705

Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in saddex nin oo Falastiini ah ay ku dhinteen mid kalana uu dhaawacmay kaddib marki ay toogteen ciidamada Israil Axadda maanta ah.

Bayaan kasoo baxay milatariga Israel ayaa lagu sheegay in diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo taangiyadooda ay bartilmaameedsadeen koox Falastiiniyiin ah oo hubeysan oo tagay xadka waqooyi ee Marinka Gaza.

Dhacdadan ayaa timid saacado kaddib marki xoogaga Falastiiniyiinta ee  Gaza ay saddex gantaal ku tuureen dhinaca Israel, ciidamada Israel  waxay sheegeen in gantaallada aysan geysan wax khasaara ah.