Afahayeenka Xuuthiyiinta Yemen Oo Sheegay In Ay Joojiyeen Duqeynta Wadanka Sacuudiga

0
72

Xoogaga Shiicada ah ee Xuuthiyiinta Yemen ayaa habeenimadii Sabtida soogaleysay ku dhawaaqay inay go’aansadeen inay joojiyaan duqeynta ay ku hayeen magaalooyinka wadanka Sacuudiga.

Afhayeenka u hadlay Golaha Sare ee Xuuthiyiinta Mahdi al-Mashat ayaa warsaxaafadeed uu xalay qabtay ku sheegay in gebi ahaan ay joojiyeen gantaaladii iyo diyaaradaha drone-ka ay ku bartilmaamsan jireen xarumaha ku yaal dalka Sacuudiga.

Kooxdan ayaa sheegatay inay ka danbeysay weerarkii 14kii September ee sabtidii hore lagu qaaday labo xarun oo laga soo saaro shidaalka oo ku yaal Sacuudiga, weerarkaasi oo hoos u dhigay shidaalkii uu Sacuudiga soo saari jiray, saameyna ku yeeshay sicirka batroolka ee caalamka.

Go’aankan ayey ku sheegeen Xuuthiyiinta inuu yahay mid ay doonayaan in wadada uu u furo waan waan iyo xabad joojin ka dhacda dagaalka ka socda wadanka Yemen oo ay sheegeen inuu yahay mid burbur ku keenaya dhamaan dhinacyada dalkaasi ku dagaalamaya.

Waxayse ka digeen hadii Sacuudiga iyo Xulafadiisa dhankooda laga waayo garowsho iyo xabad joojin noocaan oo kale ah inay iyaguna dhankooda sii wadi doonaan isdifaacooda.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa iyadu dhankeeda ku eedaysay weeraradii lagu qaaday xarumaha shidaalka inay ka danbeysay dowlada Iran, waxayna Riyadh hada dadaal ugu jirtaa sidii ay uga dhaadhicin lahayd arrintaasi dowlada Maraykanka oo ay dooneyso inay garab ka hesho hadii ay wax jawaab ah u direyso dalka Iran oo awood badan kuleh gobalka.