Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland uu ka furmo shirka golayaasha sharci-dajinta wareegiisa shanaad kaas oo ay ka qeybgalayaan dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.
Shirkan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa looga hadlaa wadashaqeynta ka dhaxeysa golayaasha sharci-dajinta heer Federaal iyo heer maamul goboleed...
Wafdiga Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ee BFS Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo ay ku jireen Xildhibaano Golaha Shacabka ka tirsan iyo Guddoomiyaasha Golayaasha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedyada Dalka waxaa garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Garoowe kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed iyo...
Ra’iisul Wassaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u amba-baxay dalka Mareykanka.
Mudane Xasan Cali Khayre iyo Wafdigiisa ayaa halkaas waxa ay kaga qeyb-galayaan shir looga hadlayo arrimo ay kamid yihiin deyn cafinta Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa inta ay Mareykanka joogaan waxa ay...
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow buuxiyay Wasiiro ka banaanaa Xukuumaddiisa, isagoo magacaabay saddex Wasiir.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu magacaabay xilkii uu ka geeriyooday Wasiirkii hore ee Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil, waxaana xilkaas loo magacaabay Saalax Axmed Jaamac oo ahaa Wasiirkii Shaqada...
Dagaalka ka soconaya nawaaxiga caasimada Tripoli ayaa sii xoogeystay , iyada oo wararku ay sheegayaan in ciidamo daacad u ah Gen Khalifa Haftar ay ka galeen magaalada saddex jiho.
Wararka qaar ayaa sheegaya in milatariga Haftar ee isku magacaabay ciidamada qaranka Libya ay haatan u galeen gudaha magaalada 25 kiilo...
Raisal Wasaaraha Israa'iil Benjaamiin Nataniyahu ayaa wacad ku maray haddii markale la doorto inuu deegaanno kale oo ay Yuhuuddu leedahay uu ka dhisayo dhulka Daanta Galbeed ee ay xoogga ku haysato.
Dadweynaha Israa'iil aya Talaadada u dareeraya cod bixinta doorashada waxaana Mr Netanayahu tartan adag kula jira xisbiyo ay siyaasaddoodu...
Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Zakiya Ayaa Sheegtay In Ay Ku Guulaysteen Qabteena God Weyn oo Al-shabaabka Xamar Ka Dagaalama ay Hubka iyo Walxaha Qarxa Ku Kaydsadaan Kuwaasoo Cadadkooda Iyo Muuqaalkooda aan Midna Warbaahinta La Tusin,Taas oo Dad Badani Dhihi Karaan Hub God lagu aaso Maahan Waxa...
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadlay heshiiska DP World ee dekedda Boosaaso, wuxuu xaqiijiyay heshiiskaa inuu ixtiraami doono.
"Heshiiska waa naga horreyay ... Waan ixtiraamaynaa heshiisyadii dowliga ahaa ay galeen dowladihii hore maxaa yeelay waxay nagu ixtiraameen markii doorashadii laga badiyay inay si...
Madaxweynaha Soomaaliya ,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Eritrea , Cusmaan Saalix iyo Lataliyaha Madaxweynaha dalkaas , Yemane Gebreab.
Wafdiga ayaa Madaxweyne Farmaajo soo gaarsiiyay farriin iyo salaan ay uga sideen dhiggiisa dalka Eritrea Mudane Isaias Afwerki, iyaga oo sidoo kale...
Kulankii Golaha Shacabka ayaa ugu danbeyntii la soo xiray kaddib markii warbaahinta loo diiday in ay ka qeybgalaan kulanka oo ay dalbadeen qaar ka mid ah Golaha Shacabka .
Buuqa Golaha ayaa ka bilaawday codeynta warbaahinta banaanka looga saaray Baarlamaanka, iyadoo qaar ka mid ah Xildhibaanada ay ku doodayaan in...


















