Monday, August 17, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Axadii shalay ayey markale dagaalo culus ka dhaceen koonfurta magaalada Tripoli ee caasimada Liibiya. Dagaalkii shalay ayaa waxaa la sheegay in ciidamada Haftar ee duulaanka kusoo qaaday magaalada Tripoli dib looga saaray qeybo kamid ah xaafadaha koonfurta Magaalada oo ay qabsadeen sadex todobaad kahor. Ciidamada Dowlada Caalamka aqoonsan yahay oo taageero...
Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Maraykanka ayaa sheegtay in dad rayid ah ay ku dhinteen duqeynta ay diyaaradaha drone-ka ah ee Maraykanku leeyahay ka fuliyaan Soomaaliya , iyadoona sheegtay inay ka shaqeynayaan sidii magdhow loo siin lahaa ehellada dadka Diyaaradaha Maraykanka Ay Ku Laayeen Gudaha Dalka Soomaaliya. Ilhan Cumar...
Madaxweynaha geeriyooda Dr Nagaaso Gidaada 1995-kii wuxuu ahaa madaxweynihi ugu horreeyey ee dowladda Federaalka Itoobiya, xilligi ay xoogagga EPRDF oo uu hoggaaminayey Meles Zeenaawi ay la wareegeen talada dalka Itoobiya wuxuuna xilka Madaxweynanimada uu soo hayey 7 sano. Doorashadi dalkaasi Itoobiya ka dhacday 1995-kii ayaa mudane ka tirsan golaha wakiillada...
Maydadka 15 qof oo lix ka mid ah ay caruur yihiin ayaa la helay, kuwasoo ku dhintay qarax xoog leh oo ka dhacay dhisme gabaad u ahaa kooxo lagu tuhunsanaa inay ka mid ahaayeen kuwii ka dambeeyay weerarkii dhimashada badan dhaliyay ee ka dhacay wadankaasi Sirilaanka, kadib marki ciidamadu...
Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada, Puntland, Jubbalad iyo Galmudug ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto Dhab ahaan lama oga wax ay ka wada hadleen madaxweynayaasha iyo safiirka Mareykanka, hasse ahaatee maalmihii ugu danbeeyayba waxaa sii xoogeysanayay khilaafka u dhaxeeya dowlad gobolleedyada dalka...
Wasiirka Maaliyadda Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya  Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa magaalada Addis Ababa kaga qeyb-galay Shir looga hadlayo Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo dhameystirka hanaanka deyn cafinta Soomaaliya. “Waxaa magaalada Addis Ababa inooga furmay Shirka IMF iyo Dowladda Soomaaliya  oo aan uga wada hada hadleyno horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, dhameystirka hanaanka deyn cafinta...
Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Axmed Khayr Cabdi ayaa muqdisho kulan kula yeeshay agaasimaha guud ee dawladda Norway u qaabilsan arrimaha goballada, Ms Tine Mørch Smith. Kulanka oo ahaa mid mira dhal ah ayaa looga hadlay dar-dar-gelinta wada shaqaynta iyo horumarinta danaha labada dawladood iyada oo loo...
Dibad-baxayaasha Sudan ayaa mar kale billaabay in ay isu soo aruursadaan iyaga oo doonaya in ay ka dhabeeyaan ballan qaadkoodii ahaa in ay Khamiista maanta ah sameynayaan bannaanbax ay ka qeyb-gali doonaan "Hal Milyan oo qof.'' Bannaanbaxa halka milyan oo qof, ayeey ku rabaan in ay ku cadaadiyaan golaha milatariga...
Danjire Abyan Maxamed Saalax (bidix) iyo Danire Faaduma Cabdullahi Maxamuud (Insaaniya)   Warar isasoo tarayo oo soo gaarayo xafiiska HOL ayaa sheegay in laysku beddelay safiiradii Soomaaliya u kala fadhiyey dalalka India iyo Swizerland. Danjire Abyan Maxamed Saalax oo safiir ka ahyd dalka India ayaa waxaa loo magacaabay safiirka cusub ee dalka...
Waxaa ku dhawaaqay inay is casileen saddex xubnood oo ka tirsanaa Xubnaha ugu sareeya millateriga dalka Sudan ee haya  talada dalkaas,waxaana ay sabab u aheyd cabasho ka imaaneysay dadka dibadbaxa dhigayey. Saraakiishan is casishay ayaa waxay saaxib dhaw la ahaayeen madaxweynihii Sudaan ee xilka laga tuuray, Cumar Xasan Al Bashiir,...