Monday, August 17, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Wargeyska The Standard ee ah kan labaad ee ugu afka dheer dalka Kenya ayaa qorey faallo uu cinwaan uga dhigay "doorashada Jubaland waxay bidhaamin doontaa saameynta AMISOM ee Soomaaliya" Wargeyska ayaa maqaalkiisa ku billaabay in gobolka Bariga Afrika ay si weyn ula socdaan doorashada madaxweynaha Jubaland, maadaamma ay arrintan saameyn...
Musharaxiin isku diyaarinaya kursiga madaxweynaha kana tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa ka hor yimid go'aanka ay dowladda ku diidan tahay in dadka madowga ee u dhashay Mareykanka la siiyo magdhaw dhanka midab takoorka iyo adoomaysiga. Madaxweyne Trump ayaa maalintii Axadda ahayd ka digay arrinkan, waxa uuna sheegay in muddadii labada sano...
Shirkadda NewAGE ee dalka Ingiriiska ayaa 1.6 tarilyan oo gaas dibiici ah ka heshay deegaanka Ceel Quraan, sida laga soo xigtay wargeyska madax bannaan ee The Reporter oo Itoobiya ka soo baxa. Shirkaddan ayaa shidaalka ka soo saartay meel u dhow halkii ay shirkadda dalka Shiinaha laga leeyahay ee Chinse...
Inta la xaqiijiyay 41 qof ayaa ku geeryootay diyaarad laga leeyahay dalka Ruushka oo uu dab qabsaday xilli ay hawada gashay ka hor inta aysan si deg deg ah u caga dhigan garoonka diyaaradaha Sheremetyevo ee magaalada Moscow. Labo carruur ah oo ka mid ahaa rakaabkii diyaaradda ayaa ka mid...
Ururka Midowga Yurub ayaa diyaarinaya shirweyne gobolleed looga hadlayo dhaqaalaha dalalka bariga Afrika si loo xoojiyo nabadda iyo horumarinta ee gobolka. Shirkan oo ay si wadajir isaga kaashanayaan bangiga adduunka iyo Midowga Yurub waxaa bisha July lagu qaban doonaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya,sida uu sheegay howlfulinta Midowga...
Madaxweynaha dowladda Afghanistan , Ashraf Ghani ayaa sheegay maamulkiisa inuu diyaar u yahay xabbad joojin ay la galaan ururka Taalibaan. Ghani, oo ka hadlayay xafladda xiritaanka ee wada-hadallada nabadda oo lagu qabtay magaalada Kabul ee xarunta Afghanistan ayaa sheegay in hal dhinac kaliya aysan suura gal aheyn in xabbada ay...
Kaddib dhacdadii foosha xumayd ee lagu xasuuqay shacabka aan waxba galabsan ee degganaa galbeedka Gobolka Sitti, Golaha fulinta ee Dawladda Degaanka Soomaalidu waxaa ay soo saareen Go'aamo dhawr ah oo arrintaa kaga jawaabayaan. Dawladda degaanka Soomaalidu waxaa ay waxba kama jiraan ku tilmaantay heshiisyadii hadda ka hor ay kala saxiixdeen...
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay 1.7 milyan oo Soomaali ah inay wajahayaan heerar kala duwan oo deg-deg ah taasi oo ku saabsan cuno la’aan soo food saartay, waxayna xaaladdoodu ugu darantahay illaa bisha Jun ee sannadkaan. Afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ,Stephane Dujarric  ayaa sheegay Arbacadii in abaaruhu ay kasii...
Wasiirka Gaashandhigga  Ingiriiska,Gavin Williamson ayaa xilka laga qaaday, kaddib markii uu diiddey inuu is casilo, sida laga soo xigtay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra'iisul wasaaraha dalkaas. Warsaxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Theresa May, ayaa lagu xaqiijiyay in Williamson uu lumiyay kalsoonida ra'iisul wasaaraha ,iyadoo loo heysto wasiirka la eryay...
War ay soo saareen Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in Tallaabadaasi ay qaadeen EU-da ay ku jiraan xayiraad la saarayo iibsashada hubka iyo qalabka kale ee gala dalka Myanmar. Sidoo kale xayiraadaha ama cunaqabateynta saran dalkaasi waxaa kaloo ku jira xadeynta waxa ay dhoogiyan Mayanmaryo la socodka isgaarsiinta gudaha iyo...