Xanuunka COVID-19 oo Laga Baarey M/weyne Donald Trump Ka Mareykanka.

0
264

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay Sabtidii maanta inuu qaatay tijaabada baarista coronavirus.

‘’ Waxaan xalay qaatay inaan isbaaro. Waxaan go’aansaday inaan shirkaan jaraa’id ku caddeeyo,’’ ayuu ku yidhi Trump oo warfidiyeenada kula hadlayay Aqalka Cad.

Wuxuu sheegay in tijaabada loo diray shaybaar natiijadana ay soo bixidoonto maalin ama labo maalmood kadib.

Jimcihii, madaxweyne Trump ayaa sheegay in ay u badan tahay in lagu tijaabin doono baaritaanka COVID-19, ka dib markii uu la la kulmay madaxweynaha Brazil ah oo laga helay cudurkaan.

Maraykanka oo qaadaya tilaabooyin culus oo lagu xakamayenayo cudurkaan ayaa kordhin doona xayiraaddaha safarka Yurub, iyadoo haatan lagusoo daray U.K iyo Ireland, taasoo dhaqan-galaysa saqda dhexe isniinta.