Turkiga Iyo Imaaraadka Carabta oo Midba Midka Kale Ku Eedeeyey In uu Argagixiso Taageero.

0
716
Turkiga ayaa eedeyn kulul u jeedisay dhiggeeda isutaga imaaraadka carabta, iyada oo ku eedeysay in ay taageerto argagixisada iyo shirqoolada afgambiga ah ayna ku xad gudubtay sharciga caalamiga ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga waxay ku eedaysay Imaaraadka inay taageerayso kooxda al-Shabaab ee Soomaaliya, iyo sidoo kale himilada gooni goosadka ah ee Golaha Ku-meelgaarka ee Koonfurta Yemen.Jawaabta Ankara waxay timid iyadoo laga jawaabayo hadal uu Abu Dhabi sii daayay Khamiista hore isagoo ku eedeeyay Turkiga inuu faragelin ku hayo arrimaha carbeed ee Liibiya isagoo adeegsanaya argaggixiso.

In kasta oo Ankara ay ku celcelisay taageeradeeda iyo ixtiraamkeeda dhuleed iyo siyaasadeed ee waddammada carabta, waxay sidoo kale ku dooday in Imaaraadku isku dayayo inuu daboolo taageeradiisa shirqoolada afgambiga.

“Muddo sanado ah, Imaaraadku wuxuu Libya siin jiray tabiyayaal hub, qalab milatari iyo calooshood u shaqeystayaal,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka Turkiga wuxuu ahaa mid si gaar ah xusid mudan iyadoo loo addeegsaday luuqad adag. Turkigu wuxuu sheegay in Imaaraadku uu carqaladeynaayo dadaalada nabadeed ee aan ka aheyn Liibiya oo keliya, laakiin sidoo kale Yemen, Syria iyo geeska Afrika.Bayaanka ayaa lagu sheegay, in taageerada ay siiso UAE kooxaha argagixisada, gaar ahaan al-Shabab iyo howlaha gooni u goosadnimada ah ee ka socda Yemen in aysan ahayn wax sir ah.

Dagaallada afka ah ee labada dal ayaa imaanaya kadib markii xoogag ka tirsan ciidamada dowladda Libya oo fadhoodu yahay Tripoli ay guulo ka gaareen galbeedka Liibiya maalmihii la soo dhaafay, iyagoo dhul badan ka qabsaday Ciidamada daacadda u ah Khalifa Haftar  ee ay taageerayaan Imaaraatku.