Monday, August 17, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Golaha milatariga Sudan iyo hogaamiyaasha ururada rayidka ah ee horkacaya dibadbaxayada dalkaasi ka socda, ayaa xalay ku heshiiyay dowlad ku meel gaar ah oo muddo saddex sano gudahood xakunka ku wareejin doonta xukuumad rayid ah oo buuxda. General Yasser al-Atta oo ka mid ah golaha sare ee millatariga hadda maamula...
Xilli kiiska muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya uu marayo meel xasaasi ah ayaa waxaa soo baxaysa qiimayn lagu samaynayo dhaqaalaha ku baxaya dacwadaasi. Qareennada labada dhinac u doodaya ayaa la sheegay inay yihiin kuwa helaya faa'idada ugu badan ee dhaqaale. Sida uu qoray wargayska Business Daily ee ka soo baxa...
Ugu yaraan 15 ruux geeryootay tiro kalana waa ay dhaawacmeen, shil gaari oo ka dhacay magaalada Nairobi iyo gobolka Waqooyi Bari ,sida laga soo xigtay saraakiisha. Gaari bas ah oo ay la socdaan dad rayid ah iyo gaari kale ayaa la sheegay inay isku dhaceen xilli baska shil galay oo...
Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa muddo labo toddobaad ah ka soo muuqaan warbaahinta iyo fagaarayaasha midna, markii ugu dambeysay waxa uu ka soo laabtay safar uu ku tegey dalka Shiinaha,waxaana baraha bulshada ay adeegsadaan shacabka Kenya harreeyay baafin ku saabsan halka uu ku dambeeyay madaxweyne Uhuru Kenyatta. Waxaa lagu...
Dowladda Kenya waxaa ka soo baxay hadal aad loo sugayay, oo la xiriira sababta duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi loogu leexiyay garoonka Wajeer. Waxaa laga soo xigtay agaasimaha waaxda badbaadada duulimaadka Kenya in arrimo amni darteed ay u qaadeen tallaabadan, iyadoo ay muuqato walaac ay Kenya ka qabto...
Wada-hadalladii arrimaha ganacsiga diirrada saarayay ee Washington uga socday Marekanka iyo Shiinaha ayaa ugu dambeyn guul darro ku dhammaaday,iyadoon wax natiijo ah laga gaarin qodobbadii laga wada-hadlayay. Waxyaabaha shirka uu quseeyay ee la isku fahmi-waayay waxaa ka mid ah sidii xal loogu heli lahaa badeecadaha kala duwan ee ay dowladda...
Marekanka ayaa sheegay inuu duqeyn ku dilay 13 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Daacish ee Soomaaliya,kaddib howlgal ay ka fuliyeen dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, sida lagu sheegay war ka soo baxay taliska Marekanka ee qaaradda Afrika. Warsaxaafadeed ka soo baxay taliska ayaa lagu shaaciyay in ciidammada Mareykanka oo...
Dowladda Talyaaniga ayaa waxay taageerraysa barnaamij ay waddo  hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan shaqada adduunka ee ILO kaasoo loogu talagalay in lagu horumariyo awoodda shaqaalaha, xaquuqda shaqaalaha iyo sidii shaqaalaha Soomaaliyeed ugu adkeysan lahaayeen dhibaatooyinka ka  heysta musharaadka ,shaqo la'aanta iyo sidii loo abuuri lahaa jawi lagu difaaco xaquuqdooda...
Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Amiirka dalka Qadar, Amiir Tamim bin Hamad Al Thani ayaa wada-hadal ku yeeshay telefoonka,sida ay ku warrantay wakaaladda wararka u faafisa dowladda Qadar ee Qatar News Agency. Wada-hadalka oo dhacay habeenkii Talaadada waxa uu la xiriiray Salaan iyo isu hambaleynta bisha...
Dowladda Ethiopia ayaa shaacisay in deegaanka Soomaalida laga helay keyd Gaaska Dabiiciga ah oo gaaraya 1.6 Trillion Cubic Feet. War ka soo baxay wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka ee dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in Shirkad dhinaca Tamarta ah oo laga leeyahay dalka Britain oo la yirahdo New Age (African Global...