Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ka qeyb-galay Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka ku bahoobay Jaamacadda Carabta ayaa shir guddoonka Shirkaasi ku wareejiyay dhigiisa dalka Ciraaq Maxamed Cali Xakiim.
Wasiir Cawad oo hadal kooban ka jeediyay Shirka Wasiirada Carabta ayaa sheegay in qadiyada falastiin ay ahaaneyso qadiyada...
Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaqada ka ceyriyay la taliyihiisii arrimaha amaanka John Bolton.
"Waxa aan xalay u sheegay John Bolton in adeegiisa aan xilligan looga baahnayn aqalka cad ," ayuu soo qoray madaxwayne Trump.
"Waxaa aan si adag isugu khilaafnay waxyaabaha uu so jeediyay," ayuu intaa ku daray Mr Trump.
Madaxwaynaha...
Kooxda Xizbullah ayaa maanta sheegtay in dagaal-yahannadeeda ay koonfurta Lebanon kusoo rideen diyaarad aan duuliye lahayn (Drone), oo ay lahayd Israel.
Bayaan kasoo baxay kooxdan ayaa lagu sheegay inay “hub ku habboon” u adeegsatay soo ridista diyaaradda, islamarkaana ay hadda gacanta ku hayso.
Militariga Israel ayaa sidoo kale ku warramay in...
Waxaa geeriyooday Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabawe Robert Mugabe, kaddib xanuun muddo badan haayay,sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah eheladiisa oo la hadlay qaar ka mid ah Warbaahinta Caalamka.
Mr Mugabe ayaa in ka badan 30 Sanno Madaxweyne ka ahaa dalka Zimbabawe,waxaana xilka looga qaaday afgembi militari bishii November...
Dad ka badan 50 ruux ayaa laga cabsi qabaa in ay ku dhinteen duqeymo dhinaca cirka ah oo ay diyaaraha Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta maanta la beegsadeen xabsi ku yaalla magaalada Dhamar oo 130 km dhinaca koofureed kaga beegan magaalada Sanca.
Bayaan kasoo baxay Isbaheysiga uu Sacuudiga hogaamiyo ayaa...
Kumaankun dhakhtar oo u dhashay wadanka Baakistaan oo ka shaqaynayay cusbitaalada boqortooyada Sucuudiga ayaa lagu amray inay ka baxaan dalkaasi.
Arrintaas ayaa la xiriirta Sucuudiga oo gebi ahaanba joojiyay aqoonsiga shahaadooyinka caafimaadka ee laga qaato jaamacadaha dalkaasi Baakistaan.
Warqad ay soo saareen guddiga u qaabilsan sucuudiga takhakhusaadka Caafimaad ee SCFHS oo...
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahan u joogay dalka Japan ka qaybgalka Shirweynaha 7-aad ee Horumarinta Afrika (TICAD7) ayaa maanta wada-hadallo labo geesood ah kula yeeshay magaalada Tokyo Ra'iisul Wasaaraha Japan Shinzo Abe.
Wada-hadallada Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Shinzo Abe ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dal ee...
Dowlada Talyaaniga ayaa sheegtay kooxihii afduubay Silvia Romano oo u dhalatay dalka Talyaaniga kala soo baxsadeen gudaha dalka Kenya iyaga oo soo talaabay dhinaca Soomaliya.
Warkan ka soo baxay dowladda Talyaaniga ayaa lagu sheegay in Kooxda gacanta ku heysa Silvia Romano ay kala talaaben xadka Soomaaliya.
Silvia Romano ayaa la Afduubtay...
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa xqiijisay inay weerar duqeyn ah ku qaadday magaalada Cadan ee dalka Yemen, ayada oo beegsaneysa “maleeshiyo argagixiso ah” kadib markii dowladda Yemen ay sheegtay in weerarka lagu qaaday ciidamadeeda.
Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Imaaraadka ayaa maanta lagu yiri “duqeyn sidii la rabay u dhacday...
Xoogagga daacadda u ah xukuumadda Yemen ayaa dib u qabsaday magaalada Cadan ee dhanka Koonfureed oo ay horaantii bishan ka saareen gooni u goosato ay markii hore xulufo ahaayeen.
Wasiirka warfaafinta, Mucammar Al-Eryaani, ayaa sheegay in ciidamada dawladda iyo maleeshiyaad taageersani si buuxda ula wareegeen magaalada oo ay markii hore...


















