Monday, August 17, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Shirkii dalka Sweden uga bilowday wafuuda ka kala socday labada dal ayaa kusoo dhamaaday heshiis la’aan. Wafdiga Kuuriyada Waqooyi ayaa ku eedeeyey burburka wadahadalkan kooxda ka socotay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Maraykanka oo ay sheegeen inay diideen inay sameeyaan wax tanaasulaad ah. Wadahadalkan ka socday maalmahan magaalada Stockholm ee dalka Sweden...
Jabhadda Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa shaaca ka qaaday inay nolosha ku qabteen kumanaan ka tirsan Ciidanka Sacuudiga, kaddib weerar xooggan ay ku qaadeen goob ku dhow xuduuda labada dal. Afhayeen u hadlay Jabhadda Xuutiyiinta Yemen ayaa u sheegay BBC in illaa saddex guuto ka tirsan Ciidamada Sacuudiga ay is dhiibeen,...
Banaanbaxyo waa weyn ayaa maanta mar kale ka dhacay dalka Masar, ayada oo dad carreysan ay isugu soo baxeen waddooyinka magaalada Qaahira iyo qaar ka mid ah magaalooyin kale ee dalka. Dibax baxyadan oo muddo laba todobaad ahba ka dhacayay Masar ayaa sii xoogeystay ka dib markii ganacsade u dhashay...
Xoogaga Shiicada ah ee Xuuthiyiinta Yemen ayaa habeenimadii Sabtida soogaleysay ku dhawaaqay inay go’aansadeen inay joojiyaan duqeynta ay ku hayeen magaalooyinka wadanka Sacuudiga. Afhayeenka u hadlay Golaha Sare ee Xuuthiyiinta Mahdi al-Mashat ayaa warsaxaafadeed uu xalay qabtay ku sheegay in gebi ahaan ay joojiyeen gantaaladii iyo diyaaradaha drone-ka ay ku...
Maxkamada Cadaaladda caalamiga ICJ ee fadhigeedu yahay Hague ayaa sheegtay in horaanta bisha November dib loo furi doono dhageysiga dacwada kiiska Badda ee u dhaxeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya. Maxkamada ayaa sharaxaad ka bixisay-sharuudaha Suxufiyiinta, diblomaasiyiinta iyo xubnaha dadweynaha ee raba inay ka soo qeybgalaan dhageysiga. Dibloomaasiyiinta iyo Saxafiyiinta ayaa  heysta in...
Boqorka Sacuudiga, Salman Bin Abdulaziz ayaa maanta sheegay in dalkiisa uu awoodo inuu iska difaaco wax uu ugu yeeray “weeraradii fuleynimada ahaa” ee hakiyey kala-bar wax soo saarkii saliida dalkiisa, hase yeeshee waxa uu beesha caalamka ugu baaqay inay “si cad u wajahaan” kuwii ka dambeeyey. Dowladda Sacuudiga ayaa ku...
Xoghayaha Arrimha Dibadda Maraykanka Mike Pompeo ayaa Iran ku eedeeyey weerarkii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn loo adeegsaday ee Sabtidii lagu qaaday Warshadaha shidaalka ee Sucuudiga. Waxa uu meesha ka saaray sheegashada Xuutiyiinta Yemen ee ah in ay weerar ku qaadeen labo warshadood oo ay maamusho Sharikadda Aramco ee Sucuudiga laga...
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta xaqiijiyay dilka Hamza Bin Laden oo ahaa wiil uu dhalay hogaamiyihii hore ee Al Qacida, Osama bin Laden. Bayaan uu Sabtida maanta ah kasoo saaray xafiiskiisa Aqalka Cad ayuu Trump ku sheegay, in Hamza Bin Laden lagu dilay howlgal ka dhan aha argagixisada oo...
 Weeraro ay fuliyeen diyaaradaha aan la wadin ayaa sababay dab ka kacay labo warshadood oo kuwa shidaalka ah oo ay leedahay shirkadda dowladda Sacuudiga ay maamusho ee Aramco. Warshadda ugu weyn caalamka ee saliida sifaysa Abqiiq ayaa laga arkay muuqaal laga duubay goobta uu weerarka ka dhacay iyada oo gubaynaysa...
Raysalwasaaraha New Zealand Ms.Jacinda Ardern ayaa soo bandhigtay sharci cusub oo lagu sii adkenayo xakameynta hubka ku jira gacanta shacabka, lix bilood kadib weerarkii lagu qaaday labo Masaajid oo dalkaasi ku yaal oo lagu dilay in ka badan 50 qof. Dowlada New Zealand ayaa horey u dhaqan gelisay sharci lagu...