Dagaalka U Dhaxeeya Dawladda Federalka iyo Ismaamulka Tigrey oo Sii Xogeysaneysa.

0
832

Waxaa sii xoogeysana dagaalka u dhaxeeya ciidamada difaaca Qaranka Itoobiya iyo jabhada TPLF ee ka dagaalamaya gobolka Tigray-ga ee Waqooyiga dalkaasi Itoobiya.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa ku eedeeyay ismaamulka Tigray-ga in ay waddaan wax uu ku tilmaamay qiyaano Qaran iyaga oo doonaya ayuu yiri bililiqeystaan hantida Qaranku leeyahay, waana tan keentay in ra’iisal Wasaaruhu ciidamada difaaca Qaranka Itoobiya u fasaxo in ay howlgal ka sameeyaan gobolka.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in la joojiyo xabbada, Xisbiga TPLF ayaa sanado badan awood xooggan ku lahaa hogaanka Itoobiya, balse awooddaas ayaa meesha ka baxday tan iyo markii uu xukunka la wareegay ra’iisal wasaare Abiy Axmed sanadkii 2018.