Gebi’ ahaan Waxaa La Joojiyey Isticmaalka Lacagta Birta Ethiopia oo Bangiyada Dalkaasi Dadweynaha U Qabteen Labo Todobaad.

0
438

Sida uu shaaciyay Bangiga Qaranka ee Itoobiya waxaa maanta guud ahaan la joojiyay isticmaalka lacagtii hore ee Itoobya, iyadoo aan waxba lagu kala iibsan doonin laga bilaabo maanta oo Talaado ah.

Bangiga ayaa sidoo kale sheegay inay maalmo kooban sii socon doonto badalaada lacagtii hore, cidda jeebkeedu kusii jirtana ay ka badalan karto bangiga muddo 2 toddobaad gudahooda.

Arrintan ayaa U muuqata Mid Dawladdu u adeegsaneyso Dagaalka ay Kula Jirto Mucaaradka TPLF oo Lagu Tuhmayo in Isticmaalka Lacagtaas ay Jeebka ugu jirto Dadka kasoo Jeeda Gobolka Tiray ee Dagaalku Ka socdo kuwaas oo aan fursad u heli karin Bedelaada lacagta dalka laga isticmaalo.

Degaanka Soomaalida ayaa meelaha qaar laga soo sheegayaa bangiyada oo ku yar awgii in wali dadku haystaan lacagtii hore.