Monday, August 17, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Kenya ayaa ku dhawaaqday inay ardaydeeda kasoo daadgureyn doonto magaalada ayku xayiran yihiin ee Wuhan, waxayna ku boorisay deriskeeda Ethiopia, inay joojiso duullimaadyada ay ku tagayaan Shiinaha si ay gacan uga geystaan xakameynta cudurka coronavirus ee dhaqsaha u faafa. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ardayda doonaya in dib...
Raiisul wasaaraha dalka Pakistaan Imran Khan ayaa sheegay cadaadiska diimeed ee lagu hayo muslimiinta adduunka oo dhan uu yahay kii ugu xumaa taariikhda aadanaha. Raysal Wasaaruhu waxaa uu ku baaqay in muslimiintu aysan indhaha ka eegan waxa ka dhacaya Mayamar iyo Kashmir oo diintooda darteed loo cadaadinayo. "Ma doonayno in Ummada...
Kusoo Dir Magacaaga,Telfonkaaga,iyo Halka Aad Ku Sugantahey, Emailkan/ warsom2011@gmail.com     Xisbiyo Siyaasadeed oo Kor U Dhaafaya Konton Xisbi Ayaa Maanta Shir ku Yeeshay Magaalada Muqdisho,Kuwaas oo Bayaan Diidmo ah Kala Hor Yimid Nidaamka Doorasho ee Dalka Soomaaliya,Doodiisuna Hadda Ka Socoto Barlamaanka Aqalka Sare Iyadoo ay Hore Usoo Ansixiyeen Barlamaanka Federalka Soomaaliya. Xisbiyada...
Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in saqdii dhexe ee xalay uu geeriyoodey Madaxweynihii hore ee dalka kenya Danial Arab Moi. Madaxweynaha ayaa bilihii ugu danbeeyayba la sheegay in uu xanuunsanaa kuna jirey Isbitaal weyn oo ku yaalla Magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo  lagu daweeynaayey ,ugu dambeena uu xalay geeriyoodey. Waxaa...
Heesaa u dhashay magaalada Chicago ee dalka Maraykanka ayaa lagu xukumay 99 sano oo xabsi ah ka dib markii uu lacag ku bixiyay in la dilo hooyadiis, si uu ula wareego hantideeda ugu jirtay bangiga. Qaw’mane Wilson oo loo yaqaano “Young QC” waxaa lagu helay inuu shirqoolay hooyadiis sanadkii la...
Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO, ayaa ku dhawaqay 13 waddan oo Afrikacaan ah oo khatarta weyn ugu jira Fayraska coronavirus. Waddamadan Afrikaanka ah oo qaarkood deris dhow la ah Soomaaliya, ayaa waxay kala yihiin, Algeria, Angola, Ivory Coast, DR Congo, Ethiopia, Ghana, Kenya, Mauritius, South Africa, Tanzania, Uganda, iyo Zambia. Bayaan...
Maxkamadda sare Kenya ayaa meesha ka saartay codsi ah in laga mamnuuco Kenya in ay ka qeybgasho kiiska horyaala maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ)  oo ku saabsan muranka badda la leh ee Soomaaliya. Garsoorayaasha maxkamada Sare ayaa sheegay bishii octobar ee sanadkii hore in ay maxkamada codsi usoo gudbiyeen...
Dowladda Biritan ayaa ugu danbeyntii  si rasmi ahaan uga baxday Midowga Yurub kadib markii dadweynaha waddankaasi ay u codeeyeen inay ka baxaan Midowga Yurub. Fagaare ku yaala Xarunta Baarlamanka ee dalkaas ee magaalada London waxaa soo buuxiyay dad badan oo taageersanaa in laga baxo  midowga, waxaana ay tirinayeen ilbidhiqsiyada ka...
Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Tibor P. Nagy ayaa safar ku tagay magaalada Muqdisho, Soomaaliya. Isaga iyo Raiisul Wasaare Xasan Khayre ayaa yeeshay kulan  ay kaga wada hadleen dib uhabaynta amniga iyo horumarinta dhaqaalaha. Kaaliyaha Xoghayaha ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go'antahay dowladda Mareykanka in ay taageerto dadaallada...
Turkiga ayaa cambaareeyay weerar ka dhacay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho kaas oo ku dhaawacmey tiro rayid ah. "Waxaan dhalleeceeynaynaa weerarkii argagixiso ee lala beegsaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan oo ku dhaawacmay 11 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan afar muwaaddiniin Turki ah," ayay Wasaaradda Difaaca...