Hay’ado Samafal oo Dawladda Jarmalku Mamnuucdey kadib Markii Lala Xiriiriyey Argagixiso.

0
517

Wasiirka arimaha gudaha dalka Germany Horst Seehofer ayaa mamnuucay ururka islaamiyiinta ee fadhigoodu yahay Düsseldorf, isagoo looga shakisan yahay inuu maalgeliyo kooxaha islaamiyiinta mayalka adag sida Falastiiniyiinta Xamaas iyo kooxda Al-Shabab ee Soomaaliya.

Horst Seehofer ayaa ku dhawaaqay Shabakadan in ay  ku maalgeliso argagixisada deeqaha ay adduunka ka hesho.

“Haddii aad rabto inaad la dagaallanto argagaxisada, waa inaad qallajiso meelaha ay lacagta ka hesho,” ayuu yiri Horst Seehofer.

Ururka Islaamiga ah ee fadhigiisu yahay Düsseldorf ayaa loo haystaa inuu lacag u diray kooxo argagixiso ah oo dibadaha ku sugan oo ay ka mid yihiin Jabhadda Al-Nusra ee Suuriya, Falastiiniyiinta Xamaas (oo ku jira liiska argagixisada Midowga Yurub) iyo ururka Al-Shabab ee Soomaaliya.

Website ka Ansaar International ayaa lagu sheegay in mashaariicdeeda bani’aadamnimo ay ka caawiso dadka u baahan gudaha iyo dibaddaba, iyadoo la xayaysiiyay mashaariic laga fulinayo Lubnaan, Suudaan iyo dhulka Falastiin.

Shabakadaha hadda la mamnuucay waxaa sidoo kale ka mid ah Foundationnis Ben-Hatira, Gudiga Warfaafinta iyo Talo siinta Soomaaliyeed ee Darmstadt, ururka xuquuqda haweenka ee ANS, iyo dukaamada samafalka ee Umma Shop iyo Better World Appeal.

Hay’adaha amniga ayaa qaaday weerar culus oo lagu qaaday shabakada Ansaar bishii Abriil 2019 xilligaas oo lagu qabtay waxyaabo badan, taasoo keentay baaritaano taxane ah oo noqday bar bilowga mamnuucidooda.

Ansaar iyo ururada gacan saarka la leh “waxay ku faafiyeen adduunka aragtida Salafiga iyo inay maalgeliyaan argagixisada adduunka oo dhan iyagoo ku gabanaya gargaarka bani’aadamnimada,” ayuu yiri Seehofer.

Sirdoonka gudaha Jarmalka ayaa warbixintiisii sanadlaha ahayd ee sanadkii hore ku sheegay in tirada salafiyiinta dalkaasi ay korortay oo ay gaartay heerkii ugu sareeyay abid oo ah 12,150 sanadka 2019.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in tirada salafiyiinta ay sadex jibaarmeen tan iyo sanadkii 2011.

  1.